Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: കഹ്ഫ്   ആയത്ത്:
قَالَ هَٰذَا رَحۡمَةٞ مِّن رَّبِّيۖ فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ رَبِّي جَعَلَهُۥ دَكَّآءَۖ وَكَانَ وَعۡدُ رَبِّي حَقّٗا
98. (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigay xaq weeye.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَتَرَكۡنَا بَعۡضَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ يَمُوجُ فِي بَعۡضٖۖ وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَجَمَعۡنَٰهُمۡ جَمۡعٗا
99.Waxaan u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale. Waxaa la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan [23].
[23]. Maalinta dhismahaa weyn ee lagu xiray Ya’juuj iyo Ma’juuj la burburiyo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَعَرَضۡنَا جَهَنَّمَ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡكَٰفِرِينَ عَرۡضًا
100. Waxaan u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱلَّذِينَ كَانَتۡ أَعۡيُنُهُمۡ فِي غِطَآءٍ عَن ذِكۡرِي وَكَانُواْ لَا يَسۡتَطِيعُونَ سَمۡعًا
101. Kuwa ay indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada [24], ee aan kari jirin inay maqlaan.
[24]. Waa Calaamooyinka Alle, ama Qur’aanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَن يَتَّخِذُواْ عِبَادِي مِن دُونِيٓ أَوۡلِيَآءَۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ نُزُلٗا
102. Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ هَلۡ نُنَبِّئُكُم بِٱلۡأَخۡسَرِينَ أَعۡمَٰلًا
103. Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعۡيُهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ يُحۡسِنُونَ صُنۡعًا
104. Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فَلَا نُقِيمُ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَزۡنٗا
105. Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa [25]. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.
[25]. Waxay diidaan inay dhageystaan Qur’aanka ama fahmaan oo waxay beeniyaan Maalinta Dambe ‘Aakhirada’.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمۡ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُواْ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَرُسُلِي هُزُوًا
106. Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَانَتۡ لَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلۡفِرۡدَوۡسِ نُزُلًا
107. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws [26] degitaan (marti qaad) ahaan.
[26]. Al-Firdaws waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبۡغُونَ عَنۡهَا حِوَلٗا
108. Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُل لَّوۡ كَانَ ٱلۡبَحۡرُ مِدَادٗا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّي لَنَفِدَ ٱلۡبَحۡرُ قَبۡلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّي وَلَوۡ جِئۡنَا بِمِثۡلِهِۦ مَدَدٗا
109. Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay [27], baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.
[27]. Kelmedahaa waa amarrada Alle ee aan la soo koobi karin ama Kelmedaha sheegaya Tilmaamahiisa ama Ammaanahiisa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَمَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلۡيَعۡمَلۡ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَلَا يُشۡرِكۡ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدَۢا
110. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: കഹ്ഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക