Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: Al-Anfal   Aja (Korano eilutė):
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَنَٰزَعُواْ فَتَفۡشَلُواْ وَتَذۡهَبَ رِيحُكُمۡۖ وَٱصۡبِرُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
46. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha murmina, yeydaan niyad jabine, xooggiinnu- nu tegin, oo samra. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa samra.
Tafsyrai arabų kalba:
وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَٰرِهِم بَطَرٗا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ
47. Ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle [14]. Alle wuu koobaa waxay falaan.
[14]. Dagaalkooda Muslimiinta wuxuu ahaa si ay u difaacaan diinta iyo qaadasho Amarka Alle, halka gaalada ay u dagaalamayeen kibir iyo qooq iyo qabyaalad iyo arrimo jaahiliyad iyo dano adduunyo iyo faan.
Tafsyrai arabų kalba:
وَإِذۡ زَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ ٱلۡيَوۡمَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَإِنِّي جَارٞ لَّكُمۡۖ فَلَمَّا تَرَآءَتِ ٱلۡفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ وَقَالَ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّنكُمۡ إِنِّيٓ أَرَىٰ مَا لَا تَرَوۡنَ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَۚ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
48. (Xusuuso) markuu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda (xun) oo yidhi: "Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, anigaana ah ilaaliyahiinna". Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, "anigu barii baan idinka ahay. Waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Waxaan anigu ka cabsan Alle, Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay".
Tafsyrai arabų kalba:
إِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَٰٓؤُلَآءِ دِينُهُمۡۗ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
49. Markay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Qofkiise tala saarta Alle, hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Tafsyrai arabų kalba:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ يَتَوَفَّى ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ
50. Haddaad arki lahayd markay malaa'igtu nafta ka qaadeyso kuwa gaaloobay iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabka gubashada [15].
[15]. Weedha waxaa laga tagay iyadoo aan la dhammeystirin waana si loo fahmo inta ka harsan iyadoo aan la xusin. Gunaanadkeeda waxaa looga tagay inay suureystaan akhristaha ama dhageystaha, waxayna u dhaceysaa: waxaad arkeysaa muuqaal naxdin leh.”
Tafsyrai arabų kalba:
ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
51. Arrinkaasi waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Alle aanu ahayn mid dulmiya addoomahiisa.
Tafsyrai arabų kalba:
كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيّٞ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
52. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay ku gaaloobeen Aayadaha Alle, markaasuu Alle u halaagay denbiyadoodii awgood. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Ciqaab Adag.
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: Al-Anfal
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti