Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಫಾತ್ವಿರ್   ಶ್ಲೋಕ:
وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ هُوَ ٱلۡحَقُّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِعِبَادِهِۦ لَخَبِيرُۢ بَصِيرٞ
31. Kaan kuu waxyoonnay (Nabiyow) ee Kitaabka 'Qur'aanka' ah waa Xaq rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah). Hubaal, Alle addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ثُمَّ أَوۡرَثۡنَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَيۡنَا مِنۡ عِبَادِنَاۖ فَمِنۡهُمۡ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ وَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞ وَمِنۡهُمۡ سَابِقُۢ بِٱلۡخَيۡرَٰتِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ
32. Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwa aan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah. Waxaa ka mid ah mid dulmiya naftiisa [7], iyo mid dhexdhexeysta [8], iyo mid u dheereeya khayrka Idanka Alle [9]. Kaa weeye Fadliga Weyn.
[7]. Qofka dulmiya naftiisa waa qofkay khaladaadkiisa ka badan yihiin saxiisa.
[8]. Muqtasidna oo ah midka dhexdhexysta waa qofkay camalladiisa wanaagsan le’eg yihiin camalladiisa xun.
[9]. Qofka u dheereeya khayraadkana waa qofka ay acmaashiisa san badan yihiin .
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَلُؤۡلُؤٗاۖ وَلِبَاسُهُمۡ فِيهَا حَرِيرٞ
33. Jannooyin cadni (beero lagu waari) bay geli, waxaa lagu qurxin inay xidhaan gudaheeda jinjimooyin dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xariir.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَذۡهَبَ عَنَّا ٱلۡحَزَنَۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٞ شَكُورٌ
34. Waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahad waxaa leh Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ٱلَّذِيٓ أَحَلَّنَا دَارَ ٱلۡمُقَامَةِ مِن فَضۡلِهِۦ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٞ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٞ
35. Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa (Jannada) Fadligiisa; nagu taaban maayo dhexdeeda dhibi, naguna taaban maayo daal.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ نَارُ جَهَنَّمَ لَا يُقۡضَىٰ عَلَيۡهِمۡ فَيَمُوتُواْ وَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُم مِّنۡ عَذَابِهَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي كُلَّ كَفُورٖ
36. Kuwase gaalooba abaalkooda waa Naarta Jahannama. Laguma xukumo geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifiyo cadaabkeeda. Sidaas baan ku abaal marinnaa mid kastoo gaalnimo badan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَهُمۡ يَصۡطَرِخُونَ فِيهَا رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا غَيۡرَ ٱلَّذِي كُنَّا نَعۡمَلُۚ أَوَلَمۡ نُعَمِّرۡكُم مَّا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَن تَذَكَّرَ وَجَآءَكُمُ ٱلنَّذِيرُۖ فَذُوقُواْ فَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٍ
37. Waxay ku qeyliyi dhexdeeda: Rabbiyow! Naga saar (halkan Naarta), waxaanu fali camal san aan aheyn kaan horay u fali jirnay. (Waxaa lagu odhan): Miyaanaan idin cimri siin in ku filan inuu ku waantoobo qofkii waansami [10]? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya (Naarta), waayo daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
[10]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle waa u dhammeystiray cudur daar qofkii uu dib u dhigay ilaa uu ka gaaro lixdan sano.”
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّ ٱللَّهَ عَٰلِمُ غَيۡبِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
38. Hubaal, Alle waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಫಾತ್ವಿರ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ