Check out the new design

ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប * - មាតិកានៃការបកប្រែ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: អាត់តាវហ្ពះ   វាក្យខណ្ឌ:
ٱنفِرُواْ خِفَافٗا وَثِقَالٗا وَجَٰهِدُواْ بِأَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
41. U baxa (dagaalka) idinkoo fudud iyo idinkoo culusba [16], oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Alle. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
[16]. Waa da’ yar iyo duqow, idinkoo gaadiid fuushan, ama lugeynaya, ladnaan iyo lurnaanba – duruuf iyo xaalado kasta oo aad ku jirtaan waa inaad u baxdaan jihaadka Jidka Alle ah.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
لَوۡ كَانَ عَرَضٗا قَرِيبٗا وَسَفَرٗا قَاصِدٗا لَّٱتَّبَعُوكَ وَلَٰكِنۢ بَعُدَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلشُّقَّةُۚ وَسَيَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ لَوِ ٱسۡتَطَعۡنَا لَخَرَجۡنَا مَعَكُمۡ يُهۡلِكُونَ أَنفُسَهُمۡ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
42. Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Alle (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagaan nafahooda, Allena wuu Og yahay inay xaqiiq yihiin beenalayaal.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
عَفَا ٱللَّهُ عَنكَ لِمَ أَذِنتَ لَهُمۡ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكَ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَتَعۡلَمَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
43. Allaha ku cafiyee (Nabiyow)! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato beenalayaasha?
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
لَا يَسۡتَـٔۡذِنُكَ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ أَن يُجَٰهِدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلۡمُتَّقِينَ
44. Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, si looga dhaafo inay ku jihaadaan maalkooda iyo nafahooda. Alle wuu yaqaan oo og yahay dhowrsanayaasha.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
إِنَّمَا يَسۡتَـٔۡذِنُكَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَٱرۡتَابَتۡ قُلُوبُهُمۡ فَهُمۡ فِي رَيۡبِهِمۡ يَتَرَدَّدُونَ
45. Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
۞ وَلَوۡ أَرَادُواْ ٱلۡخُرُوجَ لَأَعَدُّواْ لَهُۥ عُدَّةٗ وَلَٰكِن كَرِهَ ٱللَّهُ ٱنۢبِعَاثَهُمۡ فَثَبَّطَهُمۡ وَقِيلَ ٱقۡعُدُواْ مَعَ ٱلۡقَٰعِدِينَ
46. Hadday (munaafiqiinta) doonayaan inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: "La fadhiista fadhiidyada (guryaha)".
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
لَوۡ خَرَجُواْ فِيكُم مَّا زَادُوكُمۡ إِلَّا خَبَالٗا وَلَأَوۡضَعُواْ خِلَٰلَكُمۡ يَبۡغُونَكُمُ ٱلۡفِتۡنَةَ وَفِيكُمۡ سَمَّٰعُونَ لَهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ
47. Hadday (munaafiqiinta) idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay ku degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, waxaana idinku jira kuwo maqalka u raariciya. Alle wuu yaqaan daalimiinta.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
 
ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: អាត់តាវហ្ពះ
មាតិកានៃជំពូក លេខ​ទំព័រ
 
ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប - មាតិកានៃការបកប្រែ

ការបកប្រែដោយ អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាក់កូប​។

បិទ