Check out the new design

ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប * - មាតិកានៃការបកប្រែ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: អាន់នីសាក   វាក្យខណ្ឌ:
۞ لَّا خَيۡرَ فِي كَثِيرٖ مِّن نَّجۡوَىٰهُمۡ إِلَّا مَنۡ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوۡ مَعۡرُوفٍ أَوۡ إِصۡلَٰحِۭ بَيۡنَ ٱلنَّاسِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
114. Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Alle, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno).
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَمَن يُشَاقِقِ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَتَّبِعۡ غَيۡرَ سَبِيلِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ نُوَلِّهِۦ مَا تَوَلَّىٰ وَنُصۡلِهِۦ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا
115. Qofkii khilaafa Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu'miniinta. Waxaan u jeedin waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo galin Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
116. Hubaal, Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkii la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
إِن يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ إِنَٰثٗا وَإِن يَدۡعُونَ إِلَّا شَيۡطَٰنٗا مَّرِيدٗا
117. Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
لَّعَنَهُ ٱللَّهُۘ وَقَالَ لَأَتَّخِذَنَّ مِنۡ عِبَادِكَ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا
118. Alle uu Nacladay. (Shaydaanna) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan addoomahaaga qayb go'an;
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَلَأُضِلَّنَّهُمۡ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمۡ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُبَتِّكُنَّ ءَاذَانَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلۡقَ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَّخِذِ ٱلشَّيۡطَٰنَ وَلِيّٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَقَدۡ خَسِرَ خُسۡرَانٗا مُّبِينٗا
119. Waana habaabin oo gelin hididdiillooyin been ah; oo amri (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi dhegaha xoolaha [46], oo waan amri sidaas darteed waxay doorin abuurka Alle [47]. Qofkii ka dhigta shaydaan sokeeye (iyo gargaare) halkii Alle, wuxuu khasaaray khasaare caddaan ah.
[46]. Carabtii jaahiliga ahayd waxay qabeen in xoolaha loo hibeynayo asnaamta, la gooyo dhegahooda, xoolahaana ma bannaana in la fuulo ama la isticmaalo oo waa in la iska daayo oo la xarig furo.
[47]. Waxaa suura gal ah in loola jeedo beddelidda abuurka Alle calaamadaha jirka lagu qoro ee washamka - tattoo -, in xoolaha la dhuufaano ama waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa beddelidda diinta Alle.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
يَعِدُهُمۡ وَيُمَنِّيهِمۡۖ وَمَا يَعِدُهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ إِلَّا غُرُورًا
120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
أُوْلَٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُ وَلَا يَجِدُونَ عَنۡهَا مَحِيصٗا
121. Kuwaa hoygoodu waa Jahannama, kamana helaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
 
ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: អាន់នីសាក
មាតិកានៃជំពូក លេខ​ទំព័រ
 
ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប - មាតិកានៃការបកប្រែ

ការបកប្រែដោយ អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាក់កូប​។

បិទ