Check out the new design

ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប * - មាតិកានៃការបកប្រែ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: ម៉ារយុាំ   វាក្យខណ្ឌ:
يَٰيَحۡيَىٰ خُذِ ٱلۡكِتَٰبَ بِقُوَّةٖۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحُكۡمَ صَبِيّٗا
12. (Waa' dambe, Alle Wuxuu yidhi): "Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Waxaanuna siinnay fahan iyo xikmad isagoo yar.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَحَنَانٗا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةٗۖ وَكَانَ تَقِيّٗا
13. iyo maxabbad Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho. Wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle oo ka dhowrsada xumaha.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَيۡهِ وَلَمۡ يَكُن جَبَّارًا عَصِيّٗا
14. Baarri u ah labadiisa waalid, ma aheyn macangag aan wax maqlin 'caasi ah'.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَسَلَٰمٌ عَلَيۡهِ يَوۡمَ وُلِدَ وَيَوۡمَ يَمُوتُ وَيَوۡمَ يُبۡعَثُ حَيّٗا
15. Nabad korkiisa ha ahaato maalintuu dhashay, iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَرۡيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتۡ مِنۡ أَهۡلِهَا مَكَانٗا شَرۡقِيّٗا
16. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (qisadii) Maryam, markay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka bari ah (bariga Qudus).
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
فَٱتَّخَذَتۡ مِن دُونِهِمۡ حِجَابٗا فَأَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرٗا سَوِيّٗا
17. Waxay yeelatay daah (ay iskaga asturto); Markaasaan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil) oo isaga soo dhigay qof Aadmi ah oo dhan.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
قَالَتۡ إِنِّيٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيّٗا
18. (Maryam) waxay tidhi: Anigu Waxaan kaa magan galay Naxariistaha (Alle, ee iga dheerow) haddaad tahay mid dhowrsada.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَٰمٗا زَكِيّٗا
19. (Malaggii) wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) siismada wiil daahir ah.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
قَالَتۡ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَلَمۡ يَمۡسَسۡنِي بَشَرٞ وَلَمۡ أَكُ بَغِيّٗا
20. (Maryam) waxay tidhi: “Sidee baan u yeelan wiil, anigoo uusan nin i taaban, aniguna ma ahi zaaniyad?
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞۖ وَلِنَجۡعَلَهُۥٓ ءَايَةٗ لِّلنَّاسِ وَرَحۡمَةٗ مِّنَّاۚ وَكَانَ أَمۡرٗا مَّقۡضِيّٗا
21. (Malaggii) wuxuu yidhi: “Waa sidaas', Rabbigaa Wuxuu yidhi: "Waa ii fududdahay, waxaana uga yeeli calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo xukumay (gooyey)".
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
۞ فَحَمَلَتۡهُ فَٱنتَبَذَتۡ بِهِۦ مَكَانٗا قَصِيّٗا
22. Markaasay uur qaadday, waxayna ula fogaatay meel dheer (Beytlaxam oo Qudus u jirta 10km).
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
فَأَجَآءَهَا ٱلۡمَخَاضُ إِلَىٰ جِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ قَالَتۡ يَٰلَيۡتَنِي مِتُّ قَبۡلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسۡيٗا مَّنسِيّٗا
23. Wuxuu keenay xanuunkii foosha geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi:“Alla haddaan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la halmaamo oo la waayo araggeeda”.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
فَنَادَىٰهَا مِن تَحۡتِهَآ أَلَّا تَحۡزَنِي قَدۡ جَعَلَ رَبُّكِ تَحۡتَكِ سَرِيّٗا
24. Markaasuu uga dhawaaqay [6] meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah.
[6]. Waxaa jira kala duwanaan xagga aragtida ah in odhaahdaa: “Wuxuuse uga dhawaaqay meel ka hooseysa ” uu yidhi ilmaha ay dhashay (Ciise) ama malag Jabriil.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَهُزِّيٓ إِلَيۡكِ بِجِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ تُسَٰقِطۡ عَلَيۡكِ رُطَبٗا جَنِيّٗا
25. U soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil -
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
 
ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: ម៉ារយុាំ
មាតិកានៃជំពូក លេខ​ទំព័រ
 
ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប - មាតិកានៃការបកប្រែ

ការបកប្រែដោយ អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាក់កូប​។

បិទ