Check out the new design

ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប * - មាតិកានៃការបកប្រែ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: អាល់អ៊ីសរ៉ក   វាក្យខណ្ឌ:
ذَٰلِكَ مِمَّآ أَوۡحَىٰٓ إِلَيۡكَ رَبُّكَ مِنَ ٱلۡحِكۡمَةِۗ وَلَا تَجۡعَلۡ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتُلۡقَىٰ فِي جَهَنَّمَ مَلُومٗا مَّدۡحُورًا
39. Kuwani waa (qaar) ka mid ah wuxuu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
أَفَأَصۡفَىٰكُمۡ رَبُّكُم بِٱلۡبَنِينَ وَٱتَّخَذَ مِنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنَٰثًاۚ إِنَّكُمۡ لَتَقُولُونَ قَوۡلًا عَظِيمٗا
40. Ma wuxuu Rabbigaa idiin dooray wiilal, oo isagu ka yeeshay malaa’igta gabdho? Waxaad ku hadlaysaan wax daran oo baas.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لِيَذَّكَّرُواْ وَمَا يَزِيدُهُمۡ إِلَّا نُفُورٗا
41. Waxaan dhab ahaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso (gaalada) waxaan aheyn didmo.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
قُل لَّوۡ كَانَ مَعَهُۥٓ ءَالِهَةٞ كَمَا يَقُولُونَ إِذٗا لَّٱبۡتَغَوۡاْ إِلَىٰ ذِي ٱلۡعَرۡشِ سَبِيلٗا
42. Dheh: Hadday jiri lahaayeen ilaahyo kale (Alle ka sokow) sida ay leeyihiin, markaas waxay dooni lahaayeen jid ay kaga adkaadaan (Alle) Rabbiga Carshiga weyn [17].
[17]. Macno kale waxay dooni lahaayeen raalli gelinta iyo u dhowaanshaha Alle.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يَقُولُونَ عُلُوّٗا كَبِيرٗا
43. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo (xumaan ka) hufan, kana sarreeya waxay sheegayaan sarreyn weyn.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
تُسَبِّحُ لَهُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ ٱلسَّبۡعُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمۡدِهِۦ وَلَٰكِن لَّا تَفۡقَهُونَ تَسۡبِيحَهُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورٗا
44. Toddobada samo baa muujiya xurmaddiisa oo (xumaan ka) hufa iyo arlada iyo waxaa ku sugan. Ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa, waydaanse garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Alle waa Dulqaad Badane, Denbi Dhaaf Badan.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَإِذَا قَرَأۡتَ ٱلۡقُرۡءَانَ جَعَلۡنَا بَيۡنَكَ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ حِجَابٗا مَّسۡتُورٗا
45. Markaad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwaan rumeysneyn Aakhirada xijaab astur ah [18].
[18]. Markay soo degtay Suuradda Tabbad Yadaa Abii Lahab. Waxay xaaskii Abuu Lahab u timid Nabiga s.c.w. uu la joogo Abuu Bakar. Markuu arkay Abuu Bakar. Wuxuu yidhi: Rasuul Allow! Tani waa naag xun, waxaana ka baqayaa inay kuu geysato waxyeello ee ka warran haddaad ka kacdo halkaan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ima arkeyso. Markaasay timid oo tidhi: Abuu Bakarow, ninkii saaxiibkaa ahaa wuxuu igu caayay gabay. Abuu Bakar wuxuu yidhi: ma gabyo. Waxay tidhi: Adiga xaggayga waxaad tahay runlow, oo iska tagtay. Waxaan idhi: Rasuul Allow! Kuma ayan arag. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Malag baa iiga asturayey labadiisa baal. W.w.Abuu Yaclaa.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَجَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۚ وَإِذَا ذَكَرۡتَ رَبَّكَ فِي ٱلۡقُرۡءَانِ وَحۡدَهُۥ وَلَّوۡاْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِمۡ نُفُورٗا
46. Waxaanu yeellay quluubtooda dushooda daboollo iyo culeys dhegahooda si aanay u fahmin, markaadna ku xusto Rabbigaa Keliya Qur’aanka waxay jeediyaan dhabarradooda iyagoo didsan.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَسۡتَمِعُونَ بِهِۦٓ إِذۡ يَسۡتَمِعُونَ إِلَيۡكَ وَإِذۡ هُمۡ نَجۡوَىٰٓ إِذۡ يَقُولُ ٱلظَّٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلٗا مَّسۡحُورًا
47. Annagaa ogsoon waxay dhageystaan markay ku dhegaysanayaan iyo markay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, markay daalimiintu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ ضَرَبُواْ لَكَ ٱلۡأَمۡثَالَ فَضَلُّواْ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ سَبِيلٗا
48. Fiiri siday kuugu yeelaan tusaalooyin kolba, sidaasayna ku lumeen, oy u heli karin Jidna.
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
وَقَالُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا وَرُفَٰتًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ خَلۡقٗا جَدِيدٗا
49. Waxayna (gaaladu) yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boodh carro ah, miyaa nala sooo bixin abuur cusub ahaan?
ការបកស្រាយជាភាសា​អារ៉ាប់:
 
ការបកប្រែអត្ថន័យ ជំពូក​: អាល់អ៊ីសរ៉ក
មាតិកានៃជំពូក លេខ​ទំព័រ
 
ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប - មាតិកានៃការបកប្រែ

ការបកប្រែដោយ អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាក់កូប​។

បិទ