Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અન્ નહલ   આયત:
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
55. Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
અરબી તફસીરો:
وَيَجۡعَلُونَ لِمَا لَا يَعۡلَمُونَ نَصِيبٗا مِّمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡۗ تَٱللَّهِ لَتُسۡـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمۡ تَفۡتَرُونَ
56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay garanayn 'oo ilaahyo been ah' [11]. Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.
[11]. Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan.
અરબી તફસીરો:
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ ٱلۡبَنَٰتِ سُبۡحَٰنَهُۥ وَلَهُم مَّا يَشۡتَهُونَ
57. Waxay u yeelaan Alle gabdho [12]. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.
[12]. Waxay yidhaahdeen Alle wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Alle ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba.
અરબી તફસીરો:
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِٱلۡأُنثَىٰ ظَلَّ وَجۡهُهُۥ مُسۡوَدّٗا وَهُوَ كَظِيمٞ
58. Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan.
અરબી તફસીરો:
يَتَوَٰرَىٰ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ مِن سُوٓءِ مَا بُشِّرَ بِهِۦٓۚ أَيُمۡسِكُهُۥ عَلَىٰ هُونٍ أَمۡ يَدُسُّهُۥ فِي ٱلتُّرَابِۗ أَلَا سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan [13].
[13]. Nabigu s.c.w. wuu xaaraanshay ku caasinta hooyooyinkiin, nolol xabaalidda gabdhaha, diidista bixinta xuquuqda dadka, baryada, ku tiri ku teenta iyo su’aasha badan, iyo luminta maalka. W.w.Al-Bukhaari.
અરબી તફસીરો:
لِلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ مَثَلُ ٱلسَّوۡءِۖ وَلِلَّهِ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
60. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun [14]. Alle waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
[14]. Sida waxa lagu xusay labadii Aayadood ee hore.
અરબી તફસીરો:
وَلَوۡ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِظُلۡمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيۡهَا مِن دَآبَّةٖ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ لَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ
61. Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay falaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan.
અરબી તફસીરો:
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكۡرَهُونَۚ وَتَصِفُ أَلۡسِنَتُهُمُ ٱلۡكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ ٱلنَّارَ وَأَنَّهُم مُّفۡرَطُونَ
62. Waxay u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono [15].
[15]. Macno kale waxaa weeye waxaa laga yeeli inay halkaasi kaga horreeyaan inta kale oo dhan.
અરબી તફસીરો:
تَٱللَّهِ لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلۡيَوۡمَ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
63. Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
અરબી તફસીરો:
وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِي ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
64. Kuuguma aannu soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અન્ નહલ
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો