Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore al-araaf   Aaya.:
وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَخۡرِجُوهُم مِّن قَرۡيَتِكُمۡۖ إِنَّهُمۡ أُنَاسٞ يَتَطَهَّرُونَ
82. Jawaabtii qolodiisii ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara (Luud iyo inta rumeysay) magaaladiinna, waa dad is daahirinayee.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
83. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal cadaabka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
84. Waxaana roob uga dhignay dushooda roob (dhagaxyo dab ah). Ee eeg siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ قَدۡ جَآءَتۡكُم بَيِّنَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡۖ فَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَٱلۡمِيزَانَ وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بَعۡدَ إِصۡلَٰحِهَاۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
85. Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle keliya, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad waxay idiinka timid xagga (Alle) Rabbigiin; ee oofiya beegga iyo miisaanka ha ka dhimina dadka waxyaalahooda, hana ku falina fasahaad arlada inta la hagaajiyey kaddib, sidaasaa idiin khayr roon, haddaad tihiin mu’miniin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَا تَقۡعُدُواْ بِكُلِّ صِرَٰطٖ تُوعِدُونَ وَتَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ مَنۡ ءَامَنَ بِهِۦ وَتَبۡغُونَهَا عِوَجٗاۚ وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ كُنتُمۡ قَلِيلٗا فَكَثَّرَكُمۡۖ وَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
86. Ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Alle (Islaamka) kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, xusuusta markaad aheydeen kuwo yar, markaasuu idin badiyay. Oo eega siday ku dambeysey cidhibta kuwa wax fasahaadsha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِن كَانَ طَآئِفَةٞ مِّنكُمۡ ءَامَنُواْ بِٱلَّذِيٓ أُرۡسِلۡتُ بِهِۦ وَطَآئِفَةٞ لَّمۡ يُؤۡمِنُواْ فَٱصۡبِرُواْ حَتَّىٰ يَحۡكُمَ ٱللَّهُ بَيۡنَنَاۚ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ
87. Haddayse koox idinka mid ah rumeysay waxa la ila soo diray, kooxna ayna rumeyn, haddaba samra (suga) ilaa intuu Alle noo kala garsooro dhexdeenna, Isagaana u wanaagsan inta wax garsoorta.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore al-araaf
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu