Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore al-waaki'a   Aaya.:

Alwaaqicah

إِذَا وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ
1. Markay dhacdada weyni dhacdo [1].
[1]. Al-Waaqica: Dhacdada dhici doonta, waxaa loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
لَيۡسَ لِوَقۡعَتِهَا كَاذِبَةٌ
2. Ma jiro dhiciddeeda wax beenin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
خَافِضَةٞ رَّافِعَةٌ
3. Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa 'ehlu Jannaha' [2].
[2]. Hadba sida camalkoodu yahay oo looma eegayo maal iyo jago uu hayo siduu yahay xaalka adduunkan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِذَا رُجَّتِ ٱلۡأَرۡضُ رَجّٗا
4. Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَبُسَّتِ ٱلۡجِبَالُ بَسّٗا
5. Buuraha la ridqo ridqin daran.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَكَانَتۡ هَبَآءٗ مُّنۢبَثّٗا
6. Oo ay noqoto sida boor firdhisan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَكُنتُمۡ أَزۡوَٰجٗا ثَلَٰثَةٗ
7. Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ
8. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwa ah Gacanta Midig?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ
9. Kuwase ah Gacanta Bidix, waayo kuwa ah Gacanta Bidix?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَٱلسَّٰبِقُونَ ٱلسَّٰبِقُونَ
10. Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn [3].
[3]. Sida anbiyada Alle iyo kuwa horey ka rumeeyey iyagaa hor geli doona Jannada.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡمُقَرَّبُونَ
11. Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
12. Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
13. (Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَقَلِيلٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ
14.Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe [4].
[4]. Waxaa loola jeedaa kuwii ahaa aakhirka ummaddan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
عَلَىٰ سُرُرٖ مَّوۡضُونَةٖ
15. Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيۡهَا مُتَقَٰبِلِينَ
16. Ku dangiigsan korkeeda, si fool ka fool ah.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore al-waaki'a
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu