Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore Al-saariyaat   Aaya.:
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُواْ سَاحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٌ
52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَتَوَاصَوۡاْ بِهِۦۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ
53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani [9]? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.
[9]. Miyey gaaladii beri hore u soo gudbiyeen hadalladan kuwaan hadda jira, sidaa darteed ay u yidhaahdeen isla hadalkoodii oo kale?.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٖ
54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَذَكِّرۡ فَإِنَّ ٱلذِّكۡرَىٰ تَنفَعُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
55. Waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ
56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan [10].
[10]. Macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
مَآ أُرِيدُ مِنۡهُم مِّن رِّزۡقٖ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطۡعِمُونِ
57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلۡقُوَّةِ ٱلۡمَتِينُ
58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذَنُوبٗا مِّثۡلَ ذَنُوبِ أَصۡحَٰبِهِمۡ فَلَا يَسۡتَعۡجِلُونِ
59. Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن يَوۡمِهِمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore Al-saariyaat
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu