Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore sukruf   Aaya.:
وَكَذَٰلِكَ مَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٖ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم مُّقۡتَدُونَ
23. Sidaasoo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, waxaan annaguna raacnaa raadadkoodii.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
۞ قَٰلَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكُم بِأَهۡدَىٰ مِمَّا وَجَدتُّمۡ عَلَيۡهِ ءَابَآءَكُمۡۖ قَالُوٓاْ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
24. (Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddaan idiin keeno hanuun ka fiican waxaad ka he- sheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Innagu ku gaalownay waxa (Xaqa) la idinla soo diray.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
25. Markaasaan ka aarsannay ee fiiri siday aheyd cidhibta xaq diidayaasha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦٓ إِنَّنِي بَرَآءٞ مِّمَّا تَعۡبُدُونَ
26. (Xus) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: Anigu waxaan xaqiiq barii ka ahay waxaad caabuddaan oo dhan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِلَّا ٱلَّذِي فَطَرَنِي فَإِنَّهُۥ سَيَهۡدِينِ
27. Aan ahayn Kan i abuuray (Allaah), Isagaa i hanuunin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَجَعَلَهَا كَلِمَةَۢ بَاقِيَةٗ فِي عَقِبِهِۦ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
28. Wuxuuna ka yeelay Kalimadda [8] (Towxiidka) mid ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda [9], si ay (Xaqa) ugu noqdaan.
[8]. Waa Kalimada Laa ilaaha illal Laah.
[9]. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu ka dhigay towxiidka wax ku baaqi ah firkiisa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
بَلۡ مَتَّعۡتُ هَٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ وَرَسُولٞ مُّبِينٞ
29. Waxaanse ugu raaxeeyey kuwaas (gaalada) iyo aabbayaashoodba (adduunka) ilaa uu u yimid Xaqu (Qur’aanka) iyo Rasuul cad [10].
[10]. Waxaa loola jeedaa Nabi Muxammad s.c.w.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ وَإِنَّا بِهِۦ كَٰفِرُونَ
30. Markuu u yimid Xaqa waxay yidhaah- deen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, innaguna xaqiiq ku gaalownay.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَقَالُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ عَلَىٰ رَجُلٖ مِّنَ ٱلۡقَرۡيَتَيۡنِ عَظِيمٍ
31. Waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo [11]?
[11]. Waxaa loola jeedaa labaadaa magaalo Makkah iyo Daa’if.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَهُمۡ يَقۡسِمُونَ رَحۡمَتَ رَبِّكَۚ نَحۡنُ قَسَمۡنَا بَيۡنَهُم مَّعِيشَتَهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَرَفَعۡنَا بَعۡضَهُمۡ فَوۡقَ بَعۡضٖ دَرَجَٰتٖ لِّيَتَّخِذَ بَعۡضُهُم بَعۡضٗا سُخۡرِيّٗاۗ وَرَحۡمَتُ رَبِّكَ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ
32. Ma iyagaa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annagaa (Alle ah) ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Naxariista Rabbigaa baana ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَوۡلَآ أَن يَكُونَ ٱلنَّاسُ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ لَّجَعَلۡنَا لِمَن يَكۡفُرُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ لِبُيُوتِهِمۡ سُقُفٗا مِّن فِضَّةٖ وَمَعَارِجَ عَلَيۡهَا يَظۡهَرُونَ
33. Hadduusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid ah dhammaantood) waxaan ka yeeli laheyn kuwa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan [12].
[12]. Allaah wuxuu leeyahay waxaan ku siin lahayn gaalada wax kasta adduunka haddii aanay dad kale ku fidnoobeyn arrinkaasi, waayo Aakhiro ma leh gaaladaa waxaan aheyn Naar.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore sukruf
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu