Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore laɓɓinaama   Aaya.:
فَقَضَىٰهُنَّ سَبۡعَ سَمَٰوَاتٖ فِي يَوۡمَيۡنِ وَأَوۡحَىٰ فِي كُلِّ سَمَآءٍ أَمۡرَهَاۚ وَزَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَحِفۡظٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
12. Wuxuu ku dhammeystiray toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, wuxuuna u waxyooday samo waliba arrinkeeda. Waxaanu ku qurxinnay samada soke xiddigo, isla markaana xafid u ah [3]. Arrinkaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sarreeya, Wax kasta Ogsoon.
[3]. Waxaa lagaga dhowray shayaadiinta isku daya inay ka soo maqlaan war malaa’igta cirka jira oo waxaa lagu soo ganaa dambaaburo dab ah.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَإِنۡ أَعۡرَضُواْ فَقُلۡ أَنذَرۡتُكُمۡ صَٰعِقَةٗ مِّثۡلَ صَٰعِقَةِ عَادٖ وَثَمُودَ
13. Hadday ka jeesadaan (Xaqa), markaa dheh: Waxaan idiinka digay cadaab daran la mid ah cadaabkii ku dhacay (reer) Caad iyo Thamuud.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِذۡ جَآءَتۡهُمُ ٱلرُّسُلُ مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ قَالُواْ لَوۡ شَآءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَٰٓئِكَةٗ فَإِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
14. Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashooda [4] 'iyagoo ku leh': Ha caabudina cidaan ahayn Alle. Waxay yidhaahdeen: Hadduu Rabbigayo doono [5], wuxuu soo diri lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray waa ku gaalownay.
[4]. Waxa loola jeedaa hortooda iyo gadaashooda waxay uga yimaadeen dhinac kasta.
[5]. Inuu soo diro Rusul.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَمَّا عَادٞ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَقَالُواْ مَنۡ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةًۖ أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَهُمۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ
15. Ma Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo yidhaahdeen: Yaa naga xoog badan? Miyeyna arag in Alle ee abuuray uu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga diida.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِيٓ أَيَّامٖ نَّحِسَاتٖ لِّنُذِيقَهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَخۡزَىٰۖ وَهُمۡ لَا يُنصَرُونَ
16. Markaasaan u dirnay dabeyl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii dulli badan, loomana gargaaro.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيۡنَٰهُمۡ فَٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡعَمَىٰ عَلَى ٱلۡهُدَىٰ فَأَخَذَتۡهُمۡ صَٰعِقَةُ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡهُونِ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
17. Ma Thamuud se, waxaan tusnay dhabbaha toosan (ee Islaamka), waxayse ka jeclaadeen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, markaasaa waxaa ku dhacay cadaab daran wax dulleysa waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَنَجَّيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
18. Waxaana badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha) ka dhowrsaday.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَيَوۡمَ يُحۡشَرُ أَعۡدَآءُ ٱللَّهِ إِلَى ٱلنَّارِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ
19. (Xus, Nabiyow) Maalinta cadowyada Alle (gaalada) loo soo wada kulmin Naarta, iyagoo loo wado saf saf oo is cidhiidhyi.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
حَتَّىٰٓ إِذَا مَا جَآءُوهَا شَهِدَ عَلَيۡهِمۡ سَمۡعُهُمۡ وَأَبۡصَٰرُهُمۡ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
20. Markay yimaadaan (Naarta oo dafiraan denbiyadooda), waxaa ku marag furi maqalkooda iyo araggooda iyo haraggooda waxay fali jireen.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore laɓɓinaama
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu