Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore roɓo   Aaya.:
وَإِن كَادُواْ لَيَسۡتَفِزُّونَكَ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ لِيُخۡرِجُوكَ مِنۡهَاۖ وَإِذٗا لَّا يَلۡبَثُونَ خِلَٰفَكَ إِلَّا قَلِيلٗا
76. Waxayna u dhowaadeen inay kaa fiijiyaan arlada si ay kaaga saaraan. markaas ma negaadeen gadaashaa in yar ma’ahee [26].
[26]. Hadday saari lahaayeen reer Makkah Nabi Muxammad s.c.w. ma ku sii negaadeen Makkah oo wax badan ma joogeen dunida, balse Alle wuu halaagi lahaa dhammantood. Hijridii Nabiga s.c.w. ee Madiina ma ahayn saarid ay saareen Quraysh, waxayse ahayd Amar Alle uu ku amray. Ummad kasta oo saarta Nabigeeda Alle wuu halaagaa, taasina waa jid soo jireen ah aan marnaba is beddelin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
سُنَّةَ مَن قَدۡ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ مِن رُّسُلِنَاۖ وَلَا تَجِدُ لِسُنَّتِنَا تَحۡوِيلًا
77. (Kani waa) jidkayaga xagga Rususha aan soo dirnay hortaa, kamana heleysid wax isbeddel ah jidkayaga.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِدُلُوكِ ٱلشَّمۡسِ إِلَىٰ غَسَقِ ٱلَّيۡلِ وَقُرۡءَانَ ٱلۡفَجۡرِۖ إِنَّ قُرۡءَانَ ٱلۡفَجۡرِ كَانَ مَشۡهُودٗا
78. Oog salaadda markay qorraxdu waareegto [27] ilaa mugdiga habeenka [28] oo (dheeree) akhrinta (salaadda) subaxa hore [29]; hubaal akhrinta (salaadda) subaxa hore waa mid la soo xaadiro [30].
[27]. Salaadaha Duhurka iyo Casarka.
[28]. Salaadaha Maghribka iyo Cishaha.
[29]. Aayaddan waxay caddeyneysaa waqtiyada shanta salaadood, cadceed wareegga kaddib waxaa la tukadaa Salaadaha Duhurka iyo Casarka, markuu habeenka soo galana Salaadaha Maghrib iyo Cishaha, ooggana salaadda Subax.
[30]. Ay soo xaadiraan malaa’igta habeenka iyo malaa’igta maalinta.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَتَهَجَّدۡ بِهِۦ نَافِلَةٗ لَّكَ عَسَىٰٓ أَن يَبۡعَثَكَ رَبُّكَ مَقَامٗا مَّحۡمُودٗا
79. Oo qayb ka mid ah habeenka tuko tahajjud (salaatu leyl), salaad dheeri kuu ah aan faral ahayn. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo meeqaan sharaf iyo ammaan leh [31].
[31]. Nolosha dambe ee Aakhiro, waa shafeecada weyn ee Qiyaamada.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَقُل رَّبِّ أَدۡخِلۡنِي مُدۡخَلَ صِدۡقٖ وَأَخۡرِجۡنِي مُخۡرَجَ صِدۡقٖ وَٱجۡعَل لِّي مِن لَّدُنكَ سُلۡطَٰنٗا نَّصِيرٗا
80. Dheh: Rabbiyow! I gali meel gelitaan wanaagsan [32], ina bixi bixitaan wanaagsan. Igana sii Xaggaaga awood gargaar ah [33].
[32]. Waa duco Alle laga baryo inuu qofku ku galo cibaadada kagana baxo niyad san oo dar Alle ah oo Alle u barax tiran istus la’aan ama wax fasaadiya ajarka. Aayaddani waxay muujineysaa hijradii Nabiga s.c.w. ee Madiina. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Waa duco Alle laga baryo in qofka qabriga la geeyo isagoo wanaagsan oo ka soo baxo sidoo kale isagoo wanaagsan Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu Nabigu s.c.w. ku duceystey ducadan markuu ka soo baxayey Makkah isagoo u haajiraya Madiina.
[33]. Oo keliya toban sano kaddib hirjadii Nabiga s.c.w., waxaa Makkah laga sifeeyey sannmadii ku hareersanaa Kacbada.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَقُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَزَهَقَ ٱلۡبَٰطِلُۚ إِنَّ ٱلۡبَٰطِلَ كَانَ زَهُوقٗا
81. Dheh: Xaqu waa yimid, baadilkuna waa baabbi'i; baadilku waa wax baabba’a.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَنُنَزِّلُ مِنَ ٱلۡقُرۡءَانِ مَا هُوَ شِفَآءٞ وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ وَلَا يَزِيدُ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا خَسَارٗا
82. Waxaana ka soo dejinnaa Qur’aanka wax Caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, umana kordhiyo daalimiinta waxaan khasaaro ahayn.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذَآ أَنۡعَمۡنَا عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ أَعۡرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ كَانَ يَـُٔوسٗا
83. Markaan u nicmeyno aadmiga (waa gaalka) wuu jeestaa (Xaqa ka fogaadaa) oo dhinac u baxaa isagoo islaweyn. markay taabatona dhibaato wuu quustaa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قُلۡ كُلّٞ يَعۡمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِۦ فَرَبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِمَنۡ هُوَ أَهۡدَىٰ سَبِيلٗا
84. Dheh: Mid walbaa wuxuu u dhaqmaa hadba siday tahay asluubtiisa, Rabbigiin baana aad u ogsoon kan isagu si fiican ugu hanuunsan jidka (Toosan ee Islaamka).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلرُّوحِۖ قُلِ ٱلرُّوحُ مِنۡ أَمۡرِ رَبِّي وَمَآ أُوتِيتُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِ إِلَّا قَلِيلٗا
85. Waxay wax kaa weydiin Ruuxda; Dheh: Ruuxda waa amar xagga Rabbigay (oo Isagaa u Cilmi leh). La idin kama siin (dadow) cilmiga wax yar ma ahee.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَئِن شِئۡنَا لَنَذۡهَبَنَّ بِٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ ثُمَّ لَا تَجِدُ لَكَ بِهِۦ عَلَيۡنَا وَكِيلًا
86. Haddaan doonno waan la tegi kaan kuu waxyoonnay (Qur’aanka). Markaas ma heleysid wakiil naga kaa difaaca.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore roɓo
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu