Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore Huud   Aaya.:
وَيَٰقَوۡمِ لَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مَالًاۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۚ وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْۚ إِنَّهُم مُّلَٰقُواْ رَبِّهِمۡ وَلَٰكِنِّيٓ أَرَىٰكُمۡ قَوۡمٗا تَجۡهَلُونَ
29. Tolkayow! Idinku weydiisan maayo (gaarsiinta Diinta Alle) maal, abaalgudkeyga Alle baa ii haya. Ma ahi mid eryaya kuwa (Xaqa) rumeeyey. Hubaal waxay la kulmi Rabbigood, Waxaanse arkaa inaad tihiin qolo ka jaahil ah (Weynida Alle iyo Waxdaaniyadiisa).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَيَٰقَوۡمِ مَن يَنصُرُنِي مِنَ ٱللَّهِ إِن طَرَدتُّهُمۡۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
30. Tolkayow! Yaa iiga gargaari oo iga celin Alle (Cadaabkiisa), haddaan eryo? Ee miyeydaan waansameyn?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَآ أَقُولُ لَكُمۡ عِندِي خَزَآئِنُ ٱللَّهِ وَلَآ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ وَلَآ أَقُولُ إِنِّي مَلَكٞ وَلَآ أَقُولُ لِلَّذِينَ تَزۡدَرِيٓ أَعۡيُنُكُمۡ لَن يُؤۡتِيَهُمُ ٱللَّهُ خَيۡرًاۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا فِيٓ أَنفُسِهِمۡ إِنِّيٓ إِذٗا لَّمِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
31. Idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Alle, mana ogi waxaan muuqan ee qarsoon; idinma odhanayo waxaan ahay Malag, idinmana odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu Alle ma siinayo wax khayr ah. Alle baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddaan sidaa yeelo markaas waxaan xaqiiq noqon mid ku gardarrooday.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالُواْ يَٰنُوحُ قَدۡ جَٰدَلۡتَنَا فَأَكۡثَرۡتَ جِدَٰلَنَا فَأۡتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
32. Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Waad nala doodday oo aad badisay la doodistayada, ee noo keen waxaad noogu gooddineyso (oo cadaab ah), haddaad run sheegayso.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ إِنَّمَا يَأۡتِيكُم بِهِ ٱللَّهُ إِن شَآءَ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ
33.Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni kara Alle, hadduu doono, mana baxsan kartaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَا يَنفَعُكُمۡ نُصۡحِيٓ إِنۡ أَرَدتُّ أَنۡ أَنصَحَ لَكُمۡ إِن كَانَ ٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يُغۡوِيَكُمۡۚ هُوَ رَبُّكُمۡ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
34. Waxna idiinma tarto waanadeyda, haddaan doono inaan idin waaniyo, hadduu Alle rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Xaggiisaana la idiin soo celin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ إِنِ ٱفۡتَرَيۡتُهُۥ فَعَلَيَّ إِجۡرَامِي وَأَنَا۠ بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُجۡرِمُونَ
35.Mise waxay leeyihiin wuu been abuurtay 'Qur’aanka'? Dheh: Haddaan been abuurtay, denbigayga aniguu i saaran yahay, aniguna barii baan ka ahay waxaad dambaabtaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَأُوحِيَ إِلَىٰ نُوحٍ أَنَّهُۥ لَن يُؤۡمِنَ مِن قَوۡمِكَ إِلَّا مَن قَدۡ ءَامَنَ فَلَا تَبۡتَئِسۡ بِمَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ
36. Waxaa loo waxyooday Nuux inaysan ku rumeyneyn qolodaada wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxay falaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَٱصۡنَعِ ٱلۡفُلۡكَ بِأَعۡيُنِنَا وَوَحۡيِنَا وَلَا تُخَٰطِبۡنِي فِي ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِنَّهُم مُّغۡرَقُونَ
37. Oo ku samee Doonni Indhahayaga hor- tooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, hana igala hadlin arrinka kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala; waa la harqine.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore Huud
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu