Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore yuunus   Aaya.:
قَالَ قَدۡ أُجِيبَت دَّعۡوَتُكُمَا فَٱسۡتَقِيمَا وَلَا تَتَّبِعَآنِّ سَبِيلَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ
89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay [22]. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn.
[22]. Macnaha ducada labadoodaba, waxaa loola jeedaa tii Muuse, iyo Haaruun oo ku biiray isagoo lahaa Aamiin. (Allow naga aqbal).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
۞ وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ وَجُنُودُهُۥ بَغۡيٗا وَعَدۡوًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَدۡرَكَهُ ٱلۡغَرَقُ قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱلَّذِيٓ ءَامَنَتۡ بِهِۦ بَنُوٓاْ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
90. Waxaan ka gudbinnay Ilmahii Israa’iil badda, markaasaa waxaa soo raacdeystey Fircoon iyo ciidamadiisa gardarro (dulmi) iyo cadaawad darteed; markuuse haraqu haleelay, wuxuu (Fircoon) yidhi: Waxaan rumeeyey inuusan jirin ilaah (xaq ah) aan aheyn kay rumeeyeen Ilamahii Israa’iil, aniguna waxaan ka mid ahay Muslimiinta.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ عَصَيۡتَ قَبۡلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
91. Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَٱلۡيَوۡمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنۡ خَلۡفَكَ ءَايَةٗۚ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنۡ ءَايَٰتِنَا لَغَٰفِلُونَ
92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga [23] si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.
[23]. Wuxuu Alle badbaadiyey Fircoon jirkiisii.Taariikhyahannada waxay yidhaahdaan: Markuu Alle harqiyey Fircoon, waxaa laga helay jirkiisa xeebta badda, maxaa yeelay Fircoon wuu argagaxay reer Banii Israa’iil. Waxaad ogtihiin in marka uu qofku jiro qof uu ka cabsado inuusan qalbigiisu xasileyn ilaa uu arko isaga oo halaagsamay oo dhintay mooyee, maxaa yeelay shaydaanku waxa uu qalbigiisa gelin karaa in Fircoon fakaday, Fircoonna uu idiin soo noqon doono Banii Israa’iilow. Marka hadalkiisa: (kuwa idinka dambeeya) wuxuu ula jeedaa: reer banii Israa'iil, sidaa awgeed waxba kama jiraan inay meydkiisa heleen masriyiintii oo ay xafidaan ilaa hadda, iyadoo la sheego inuu yaal matxaf ku yaal Masar. Waa been arrinkaasi aan waxba ka jirin ee lagu dago dadka makasta ah.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَقَدۡ بَوَّأۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مُبَوَّأَ صِدۡقٖ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ فَمَا ٱخۡتَلَفُواْ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
93. Waxaana dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuu u kala garsoori dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَإِن كُنتَ فِي شَكّٖ مِّمَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ فَسۡـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقۡرَءُونَ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكَۚ لَقَدۡ جَآءَكَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ
94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay [24], weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.
[24]. Waxaa ka mid ah tafsiirka labada Aayadood ee dambe, in loola jeedo inay qiiro kiciyaan Nabiga s.c.w. inuu caddeeyo oo muujiyo sugnaantiisa, taas uu falay isagoo yidhi shaki ma qabo, mana weydiinayo. Tafsiir kale waa in inkastoo ereyadaa ay ku socdaan Nabiga s.c.w., waxay haddana dhab ahaan ku socdaan oo ku wajahan yihiin dadka oo dhan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
95. Ha ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Alle, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa khasaaray.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّ ٱلَّذِينَ حَقَّتۡ عَلَيۡهِمۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ
96. Kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa (ee cadaabka), ma rumaynayaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَوۡ جَآءَتۡهُمۡ كُلُّ ءَايَةٍ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
97. Xataa hadday calaamo kasta u timaaddo jeeray arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore yuunus
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu