Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: توبه   آیه:
إِنَّمَا ٱلنَّسِيٓءُ زِيَادَةٞ فِي ٱلۡكُفۡرِۖ يُضَلُّ بِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُحِلُّونَهُۥ عَامٗا وَيُحَرِّمُونَهُۥ عَامٗا لِّيُوَاطِـُٔواْ عِدَّةَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ فَيُحِلُّواْ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُۚ زُيِّنَ لَهُمۡ سُوٓءُ أَعۡمَٰلِهِمۡۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah [12]: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.
[12]. Hadday arkaan inay u faa’ido badan tahay inay buriyaan bil caaggan, way sameynayeen, iyagoo yeelayey bil kale halkeeda ay ku dhowraan caagganaanta dagaal gelidda.
تفسیرهای عربی:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَا لَكُمۡ إِذَا قِيلَ لَكُمُ ٱنفِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱثَّاقَلۡتُمۡ إِلَى ٱلۡأَرۡضِۚ أَرَضِيتُم بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مِنَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ فَمَا مَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ
38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar [13].
[13]. Anas bin Maalik a.k..r waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Ma jiro addoon dhinta ayna u taallo Alle agti kheyr oo jecel inuu u soo laabto adduunka iyadoo lagu siinayo adduunka iyo waxa yaal oo dhan marka laga reebo shahiidka, waxa uu arkayo darteed oo fadliga shahaadada ah, wuxuu jecleystaa inuu u soo laabto adduunka si loogu dilo mar kale Dar Alle. W.w Al-Bukhaari.
تفسیرهای عربی:
إِلَّا تَنفِرُواْ يُعَذِّبۡكُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا وَيَسۡتَبۡدِلۡ قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ وَلَا تَضُرُّوهُ شَيۡـٔٗاۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
39. Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan oo idinku beddeli qolo kale, waxbana kama dhimeysaan marnaba. Alle wax walba wuu Karaa.
تفسیرهای عربی:
إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدۡ نَصَرَهُ ٱللَّهُ إِذۡ أَخۡرَجَهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ثَانِيَ ٱثۡنَيۡنِ إِذۡ هُمَا فِي ٱلۡغَارِ إِذۡ يَقُولُ لِصَٰحِبِهِۦ لَا تَحۡزَنۡ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَنَاۖ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَيۡهِ وَأَيَّدَهُۥ بِجُنُودٖ لَّمۡ تَرَوۡهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلسُّفۡلَىٰۗ وَكَلِمَةُ ٱللَّهِ هِيَ ٱلۡعُلۡيَاۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
40. Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah [14] markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle [15], waa taa sarreysa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
[14]. Kan labeeya wuxuu ahaa saaxiibkiis Abuu Bakar.
[15]. Kelmeddaa waa Laa ilaaha illal laah (ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Allaah).
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: توبه
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن