Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: اعراف   آیه:
۞ وَٱكۡتُبۡ لَنَا فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗ وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِنَّا هُدۡنَآ إِلَيۡكَۚ قَالَ عَذَابِيٓ أُصِيبُ بِهِۦ مَنۡ أَشَآءُۖ وَرَحۡمَتِي وَسِعَتۡ كُلَّ شَيۡءٖۚ فَسَأَكۡتُبُهَا لِلَّذِينَ يَتَّقُونَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِنَا يُؤۡمِنُونَ
156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. (Alle) wuxuu yidhi: Cadaabkayga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariistayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa (iska jira shirkiga iyo xumaha kale ee qaata daahirsanaanta -Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga) sakadana bixiya ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan.
تفسیرهای عربی:
ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلرَّسُولَ ٱلنَّبِيَّ ٱلۡأُمِّيَّ ٱلَّذِي يَجِدُونَهُۥ مَكۡتُوبًا عِندَهُمۡ فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَٱلۡإِنجِيلِ يَأۡمُرُهُم بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَىٰهُمۡ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡخَبَٰٓئِثَ وَيَضَعُ عَنۡهُمۡ إِصۡرَهُمۡ وَٱلۡأَغۡلَٰلَ ٱلَّتِي كَانَتۡ عَلَيۡهِمۡۚ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِهِۦ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَٱتَّبَعُواْ ٱلنُّورَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ مَعَهُۥٓ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
157. Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga aan waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa [7]. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
[7]. Shareecada Nabi Muxammad ma leh iskallifaad culus oo adag sida xilalka adag ee la saaray ilmihii Israa’iil. Haddii aynu tusaale ka bixinno taa waxaa sharcigooda ka mid ahaa in la dilo qofka si ay u ansaxdo tawbadiisa, iyo in la dilo qofkii qof dila ha u dilo kas iyo ula kac am ula kac la’aan, iyo in la gooyo xubinta uu ka sameeyo xumaanta, in la gooyo marada meeshay najaaso gaarto.
تفسیرهای عربی:
قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُمۡ جَمِيعًا ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِ ٱلنَّبِيِّ ٱلۡأُمِّيِّ ٱلَّذِي يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَكَلِمَٰتِهِۦ وَٱتَّبِعُوهُ لَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
158. (Nabi Muxammadow) dheh: Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuulka Alle ee loo soo diray idinka oo dhan, Allahaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Isagaa wax nooleeya waxna dhinsiiya. Ee rumeeya Alle iyo Rusuulkiisa, Nabiga aan waxna qorin, waxna akhriyin, ee rumeysan Alle iyo Kelmadihiisa, raacana si aad u hanuuntaan.
تفسیرهای عربی:
وَمِن قَوۡمِ مُوسَىٰٓ أُمَّةٞ يَهۡدُونَ بِٱلۡحَقِّ وَبِهِۦ يَعۡدِلُونَ
159. Waxaa ka mid ahaa qolodii Muuse qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda.
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: اعراف
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن