Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: نحل   آیه:
ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يُخۡزِيهِمۡ وَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تُشَٰٓقُّونَ فِيهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ إِنَّ ٱلۡخِزۡيَ ٱلۡيَوۡمَ وَٱلسُّوٓءَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
27. Kaddib Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn [5], wuxuuna odhan: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen cibaadada ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada.
[5]. Macnaha waxaa weeye wuxuu ka yeeli inay mutaan ciqaab denbiyadooda badan dartood.
تفسیرهای عربی:
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ ظَالِمِيٓ أَنفُسِهِمۡۖ فَأَلۡقَوُاْ ٱلسَّلَمَ مَا كُنَّا نَعۡمَلُ مِن سُوٓءِۭۚ بَلَىٰٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
28. Kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki ama denbiyo kale oo waaweyn). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, hubaal, Alle baa ogsoon waxaad falayseen.[6]
[6]. Imaanshaha malaa’igta si ay u qaadaan nafahooda.
تفسیرهای عربی:
فَٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَلَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ
29. Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Xumaa hoyga isla weynayaasha.
تفسیرهای عربی:
۞ وَقِيلَ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ مَاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمۡۚ قَالُواْ خَيۡرٗاۗ لِّلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٞۚ وَلَدَارُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞۚ وَلَنِعۡمَ دَارُ ٱلۡمُتَّقِينَ
30. Waxaa lagu yidhaahdaa kuwa ka dhowrsada (xumaha): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira (xumaha ee dhowra amarrada Alle).
تفسیرهای عربی:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ لَهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَۚ كَذَٰلِكَ يَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلۡمُتَّقِينَ
31. Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa).
تفسیرهای عربی:
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ طَيِّبِينَ يَقُولُونَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
32. Kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed.
تفسیرهای عربی:
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ يَأۡتِيَ أَمۡرُ رَبِّكَۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
33. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa [7] u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Alle ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
[7]. Ka imaanshaha cadaab xagga Alle si uu ugu halaago.
تفسیرهای عربی:
فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
34. Waxaa ku dhacay xumaano waxay faleen, waxaana hareeyey (ciqaabtii) ay ku jeesjeesayeen.
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: نحل
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن