Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: ən-Nisa   Ayə:
۞ لَّا يُحِبُّ ٱللَّهُ ٱلۡجَهۡرَ بِٱلسُّوٓءِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ إِلَّا مَن ظُلِمَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعًا عَلِيمًا
148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Ərəbcə təfsirlər:
إِن تُبۡدُواْ خَيۡرًا أَوۡ تُخۡفُوهُ أَوۡ تَعۡفُواْ عَن سُوٓءٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوّٗا قَدِيرًا
149. Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan.
Ərəbcə təfsirlər:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡفُرُونَ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيُرِيدُونَ أَن يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ ٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيَقُولُونَ نُؤۡمِنُ بِبَعۡضٖ وَنَكۡفُرُ بِبَعۡضٖ وَيُرِيدُونَ أَن يَتَّخِذُواْ بَيۡنَ ذَٰلِكَ سَبِيلًا
150. Hubaal, kuwa ku gaalooba Alle iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Alle iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, oo ku gaaloobi qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa).
Ərəbcə təfsirlər:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ حَقّٗاۚ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
151. Kuwaa weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Waxaana u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
Ərəbcə təfsirlər:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَلَمۡ يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ أُوْلَٰٓئِكَ سَوۡفَ يُؤۡتِيهِمۡ أُجُورَهُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
152. Kuwase rumeeyey Alle iyo Rusushiisa oo aan kala soocin midkoodna ka mid ah oo kala saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Ərəbcə təfsirlər:
يَسۡـَٔلُكَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَن تُنَزِّلَ عَلَيۡهِمۡ كِتَٰبٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ فَقَدۡ سَأَلُواْ مُوسَىٰٓ أَكۡبَرَ مِن ذَٰلِكَ فَقَالُوٓاْ أَرِنَا ٱللَّهَ جَهۡرَةٗ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ بِظُلۡمِهِمۡۚ ثُمَّ ٱتَّخَذُواْ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ فَعَفَوۡنَا عَن ذَٰلِكَۚ وَءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا
153. Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Alle si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka tawbad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad.
Ərəbcə təfsirlər:
وَرَفَعۡنَا فَوۡقَهُمُ ٱلطُّورَ بِمِيثَٰقِهِمۡ وَقُلۡنَا لَهُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡبَابَ سُجَّدٗا وَقُلۡنَا لَهُمۡ لَا تَعۡدُواْ فِي ٱلسَّبۡتِ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: ən-Nisa
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq