Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Əhzab   Ayə:
يَسۡـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِۚ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا
63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.
Ərəbcə təfsirlər:
إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمۡ سَعِيرًا
64. Hubaal Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.
Ərəbcə təfsirlər:
خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.
Ərəbcə təfsirlər:
يَوۡمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيۡتَنَآ أَطَعۡنَا ٱللَّهَ وَأَطَعۡنَا ٱلرَّسُولَا۠
66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.
Ərəbcə təfsirlər:
وَقَالُواْ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعۡنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠
67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii [39], oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).
[39]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: “Kuweenna noogu weyn ee madaxda noo ah (culimadeenna) iyo amiirradeenna”.
Ərəbcə təfsirlər:
رَبَّنَآ ءَاتِهِمۡ ضِعۡفَيۡنِ مِنَ ٱلۡعَذَابِ وَٱلۡعَنۡهُمۡ لَعۡنٗا كَبِيرٗا
68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.
Ərəbcə təfsirlər:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوۡاْ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُواْۚ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهٗا
69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
Ərəbcə təfsirlər:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدٗا
70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra amarradiisa) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).
Ərəbcə təfsirlər:
يُصۡلِحۡ لَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ فَازَ فَوۡزًا عَظِيمًا
71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn [40].
[40]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddaad heysato afar tilmaamood waxba kuuma dhimaan wixii ku dhaafa oo adduun ah: Dhowrista ammaanada, hadal run ah oo aad mar waliba ku hadasho, dabeecad san, iyo xalaal quudasho.”
Ərəbcə təfsirlər:
إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَيۡنَ أَن يَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومٗا جَهُولٗا
72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen 'Culeyska amaanada' [41]. Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga [42]. Waa dulmi badane, jahli badan.
[41]. Aqbalaadda waajibyada iyo xilalka iyo adeecidda Alle iyo Rusushiisa.
[42]. Iyagoo u hanqal taagaya abaalgudkeeda, halka ay illoobaan ciqaabka gabidda qaadista xilka la saaray.
Ərəbcə təfsirlər:
لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمَۢا
73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka [43]. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
[43]. Waa sababta loogu oggolaaday dadka inay qaadaan amaanadaa.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Əhzab
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq