Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: ən-Nəhl   Ayə:
وَلَا تَتَّخِذُوٓاْ أَيۡمَٰنَكُمۡ دَخَلَۢا بَيۡنَكُمۡ فَتَزِلَّ قَدَمُۢ بَعۡدَ ثُبُوتِهَا وَتَذُوقُواْ ٱلسُّوٓءَ بِمَا صَدَدتُّمۡ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَكُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
94. Ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab) inaad ka jeedsateen Jidka Alle darteed, waxaadna mudan Cadaab weyn.
Ərəbcə təfsirlər:
وَلَا تَشۡتَرُواْ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ ثَمَنٗا قَلِيلًاۚ إِنَّمَا عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
95. Ha siisinnina Axdiga Alle qiimo yar (adduunyo). Hubaal waxa Alle agtiis ah baa idiin khayr badan haddaad og tihiin.
Ərəbcə təfsirlər:
مَا عِندَكُمۡ يَنفَدُ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ بَاقٖۗ وَلَنَجۡزِيَنَّ ٱلَّذِينَ صَبَرُوٓاْ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
96. Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa samra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen.
Ərəbcə təfsirlər:
مَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَنُحۡيِيَنَّهُۥ حَيَوٰةٗ طَيِّبَةٗۖ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
97. Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen [24].
[24]. Aayaddan waxay caddeysey inay ragga iyo dumarka ajar isku mid ah leeyiiin Alle agtiisa markay la yimaadaan camal san oo iimaan u wehliyo.
Ərəbcə təfsirlər:
فَإِذَا قَرَأۡتَ ٱلۡقُرۡءَانَ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ ٱلرَّجِيمِ
98. Ee markaad akhrineyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) Alle ka magan gal shaydaanka la fogeeyey.
Ərəbcə təfsirlər:
إِنَّهُۥ لَيۡسَ لَهُۥ سُلۡطَٰنٌ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
99. Kuma dul laha awood kuwa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood tala saarta.
Ərəbcə təfsirlər:
إِنَّمَا سُلۡطَٰنُهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَوَلَّوۡنَهُۥ وَٱلَّذِينَ هُم بِهِۦ مُشۡرِكُونَ
100. Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa ka yeesha sokeeye iyo kuwa la wadaajiya Alle cibaadada cid kale.
Ərəbcə təfsirlər:
وَإِذَا بَدَّلۡنَآ ءَايَةٗ مَّكَانَ ءَايَةٖ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُنَزِّلُ قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مُفۡتَرِۭۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
101. Markaan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, Alle baana Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Badankooduse wax ma oga.
Ərəbcə təfsirlər:
قُلۡ نَزَّلَهُۥ رُوحُ ٱلۡقُدُسِ مِن رَّبِّكَ بِٱلۡحَقِّ لِيُثَبِّتَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُسۡلِمِينَ
102. Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro Muslimiinta (u hoggaansan Rabbigood).
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: ən-Nəhl
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq