للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: المائدة   آية:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَإِلَى ٱلرَّسُولِ قَالُواْ حَسۡبُنَا مَا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَآۚ أَوَلَوۡ كَانَ ءَابَآؤُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ شَيۡـٔٗا وَلَا يَهۡتَدُونَ
104. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaanu ka hellay aabbayaashayo, oo haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn (ma raacayaan).
التفاسير العربية:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ عَلَيۡكُمۡ أَنفُسَكُمۡۖ لَا يَضُرُّكُم مَّن ضَلَّ إِذَا ٱهۡتَدَيۡتُمۡۚ إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
105. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiinka warrami waxaad camal falayseen.
التفاسير العربية:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ شَهَٰدَةُ بَيۡنِكُمۡ إِذَا حَضَرَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ حِينَ ٱلۡوَصِيَّةِ ٱثۡنَانِ ذَوَا عَدۡلٖ مِّنكُمۡ أَوۡ ءَاخَرَانِ مِنۡ غَيۡرِكُمۡ إِنۡ أَنتُمۡ ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَأَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةُ ٱلۡمَوۡتِۚ تَحۡبِسُونَهُمَا مِنۢ بَعۡدِ ٱلصَّلَوٰةِ فَيُقۡسِمَانِ بِٱللَّهِ إِنِ ٱرۡتَبۡتُمۡ لَا نَشۡتَرِي بِهِۦ ثَمَنٗا وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰ وَلَا نَكۡتُمُ شَهَٰدَةَ ٱللَّهِ إِنَّآ إِذٗا لَّمِنَ ٱلۡأٓثِمِينَ
106. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maragga dhexdiinna ah markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, waa labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ah, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan [24], waa inay ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrinkani, qaraababa ha ahaadee, mana qarineyno Maragga Alle, (haddii kale markaa) waxaanu ka mid ahaan denbiilayaasha.
[24]. Inay markhaati been ah fureen ama been ku dhaarteen.
التفاسير العربية:
فَإِنۡ عُثِرَ عَلَىٰٓ أَنَّهُمَا ٱسۡتَحَقَّآ إِثۡمٗا فَـَٔاخَرَانِ يَقُومَانِ مَقَامَهُمَا مِنَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَحَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَوۡلَيَٰنِ فَيُقۡسِمَانِ بِٱللَّهِ لَشَهَٰدَتُنَآ أَحَقُّ مِن شَهَٰدَتِهِمَا وَمَا ٱعۡتَدَيۡنَآ إِنَّآ إِذٗا لَّمِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
107. Markaa haddii la ogaado inay muteen denbi, labo kale baa meeshooda joogsan (oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddaan xadgudubno) waxaanu markaa ka mid ahaan daalimiinta.
التفاسير العربية:
ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن يَأۡتُواْ بِٱلشَّهَٰدَةِ عَلَىٰ وَجۡهِهَآ أَوۡ يَخَافُوٓاْ أَن تُرَدَّ أَيۡمَٰنُۢ بَعۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱسۡمَعُواْۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ
108. Arrinkaa baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato [25] dhaarahooda kaddib. Ee Alle ka cabsada, waxna maqla. Alle ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah (madaxa adag).
[25]. In la celiyo dhaarahooda waa markhaatiyada dadka aan idinla diinta ahayn, waxaa lagu celiyaa markhaatiyada dadka idiin dhow, kuwa been ku dhaartana waxaa laga goyn adduun iyo aakhiroba beentaas ay ku dhaarteen.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: المائدة
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق