للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: النور   آية:
إِنَّ ٱلَّذِينَ جَآءُو بِٱلۡإِفۡكِ عُصۡبَةٞ مِّنكُمۡۚ لَا تَحۡسَبُوهُ شَرّٗا لَّكُمۖ بَلۡ هُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۚ لِكُلِّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُم مَّا ٱكۡتَسَبَ مِنَ ٱلۡإِثۡمِۚ وَٱلَّذِي تَوَلَّىٰ كِبۡرَهُۥ مِنۡهُمۡ لَهُۥ عَذَابٌ عَظِيمٞ
11. Xaqiiq, kuwa la yimid been abuurka 'qadafka Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.' [6] waa koox idin ka mid ah; ha u arkina inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina wuxuu mudan wuxuu kasbaday oo denbi ah. Kan qaybta weyn ka qaatay [7] ee ka mid ah wuxuu leeyahay cadaab weyn.
[6]. Waxay tilmaameysaa dhacdadii markii xaaska Nabiga s.c.w. Caa’isha a.k.r ay been ugu tuhmeen munaafiqiinta inay la timid gogol dhaaf.
[7]. Waa Cabdullaah bin Ubay bin Salool, madaxii munaafiqiinta waagaas.
التفاسير العربية:
لَّوۡلَآ إِذۡ سَمِعۡتُمُوهُ ظَنَّ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ بِأَنفُسِهِمۡ خَيۡرٗا وَقَالُواْ هَٰذَآ إِفۡكٞ مُّبِينٞ
12. Maxaydaan markaad maqasheen (qadafkaa) ugu malayn mu’miniinta rag iyo haweenba khayr isla dadkoodaasi, oo ay u odhan: “Waxakani waa been abuur cad?”
التفاسير العربية:
لَّوۡلَا جَآءُو عَلَيۡهِ بِأَرۡبَعَةِ شُهَدَآءَۚ فَإِذۡ لَمۡ يَأۡتُواْ بِٱلشُّهَدَآءِ فَأُوْلَٰٓئِكَ عِندَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ
13. Maxayse u keeni waayeen afar markhaati? Maadaama aysan keenin markhaatiyaal, kuwaasu Alle agtiisa waxay ka yihiin beenalayaal.
التفاسير العربية:
وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ لَمَسَّكُمۡ فِي مَآ أَفَضۡتُمۡ فِيهِ عَذَابٌ عَظِيمٌ
14. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisu adduun iyo Aakhiraba, waxaa idinku taaban lahaa waxaad ku hadasheen darteed cadaab daran.
التفاسير العربية:
إِذۡ تَلَقَّوۡنَهُۥ بِأَلۡسِنَتِكُمۡ وَتَقُولُونَ بِأَفۡوَاهِكُم مَّا لَيۡسَ لَكُم بِهِۦ عِلۡمٞ وَتَحۡسَبُونَهُۥ هَيِّنٗا وَهُوَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمٞ
15. Markaad ku gaddonteen (qadafkaa) carrabyadiinna [8], oo aad ka laheydeen afafkiinnna wax aydaan ogeyn, waxaad mooddeen arrin fudud, halka Alle agtiis ay aheyd wax daran oo baas.
[8]. Halkaad ku maqli lahaydeen dhegahiinna macnaha waa idinkoo aan ka fekerin waxa aad maqasheen oo u fiirsan bal u degdegay inaad iska sheegsheegtaan warkaa been abuurka ah idinkoo aan tixgelin waxa aad leedihiin oo ku hadleysaan.
التفاسير العربية:
وَلَوۡلَآ إِذۡ سَمِعۡتُمُوهُ قُلۡتُم مَّا يَكُونُ لَنَآ أَن نَّتَكَلَّمَ بِهَٰذَا سُبۡحَٰنَكَ هَٰذَا بُهۡتَٰنٌ عَظِيمٞ
16. Maxaydaan markaad maqasheen u odhan: "Nooma habboona inaan ka hadallo waxakani. Adigaa hufan (Allow)! Kani (qadafkan) waa been abuur weyn".
التفاسير العربية:
يَعِظُكُمُ ٱللَّهُ أَن تَعُودُواْ لِمِثۡلِهِۦٓ أَبَدًا إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
17. Alle wuu idinka waanin inaad u noqotaan waxaasoo kale weligiin, haddaad tihiin mu’miniin dhab ah.
التفاسير العربية:
وَيُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
18. Wuxuu Alle idiin caddeyn Aayadaha. Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
التفاسير العربية:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ ٱلۡفَٰحِشَةُ فِي ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
19. Xaqiiq, kuwa jecel inay xumaantu [9] ku faafto mu’miniinta dhexdooda, waxay leeyihiin cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba. Alle baana Og, idinkuna ma ogidin [10].
[9]. Waxaa gaar ahaan loola jeedaa zinada iyo xiriirrada xun ee aan bannaaeyn: galmada xaaraanta ah.
[10]. Arrimaha qarsoon ee wax waliba: Waxa wanaagsan ee dani ku jirto iyo faa’idada iyo waxa xun ee dhibaatada leh.
التفاسير العربية:
وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ وَأَنَّ ٱللَّهَ رَءُوفٞ رَّحِيمٞ
20. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisu iyo inuu Alle yahay Turid Badane, Naxariis Badan (waad halaagsami laheydeen).
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: النور
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق