Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ኑህ   አንቀፅ:
يُرۡسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡكُم مِّدۡرَارٗا
11. Wuxuu idiinka keeni daruuraha roob darar ah;
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَيُمۡدِدۡكُم بِأَمۡوَٰلٖ وَبَنِينَ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ جَنَّٰتٖ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ أَنۡهَٰرٗا
12. Oo idiinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, idiinna yeeli webiyaal.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّا لَكُمۡ لَا تَرۡجُونَ لِلَّهِ وَقَارٗا
13. Maxaad leedihiin aydaan uga heybeysan Alle?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَدۡ خَلَقَكُمۡ أَطۡوَارًا
14. Isagoo dhabtii idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَلَمۡ تَرَوۡاْ كَيۡفَ خَلَقَ ٱللَّهُ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗا
15. Miyeydaan arag sida Alle u abuuray toddobada samo ee kala korreeya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَعَلَ ٱلۡقَمَرَ فِيهِنَّ نُورٗا وَجَعَلَ ٱلشَّمۡسَ سِرَاجٗا
16. Oo dayaxa uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay nal shidan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ نَبَاتٗا
17. Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ يُعِيدُكُمۡ فِيهَا وَيُخۡرِجُكُمۡ إِخۡرَاجٗا
18. Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxniin (cusub).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ بِسَاطٗا
19. Alle waa Kan idiinka yeelay dhulka gogol fidsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لِّتَسۡلُكُواْ مِنۡهَا سُبُلٗا فِجَاجٗا
20. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ نُوحٞ رَّبِّ إِنَّهُمۡ عَصَوۡنِي وَٱتَّبَعُواْ مَن لَّمۡ يَزِدۡهُ مَالُهُۥ وَوَلَدُهُۥٓ إِلَّا خَسَارٗا
21. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waa ii caasiyeen, waxayna raaceen mid aan maalkiisa iyo dhashiisa u kordhin waxaan ahayn khasaaro.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا كُبَّارٗا
22. Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالُواْ لَا تَذَرُنَّ ءَالِهَتَكُمۡ وَلَا تَذَرُنَّ وَدّٗا وَلَا سُوَاعٗا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسۡرٗا
23. Oo yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina (gaar ahaan) Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَدۡ أَضَلُّواْ كَثِيرٗاۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا ضَلَٰلٗا
24. Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta 'gar diidka' waxaan aheyn habow.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مِّمَّا خَطِيٓـَٰٔتِهِمۡ أُغۡرِقُواْ فَأُدۡخِلُواْ نَارٗا فَلَمۡ يَجِدُواْ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَنصَارٗا
25. Gefafkoodii dartood baa loo harqiyey, Naarna loo geliyay, marka ma helin cid u soo gargaarta Alle sokadi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالَ نُوحٞ رَّبِّ لَا تَذَرۡ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ دَيَّارًا
26. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa gaalada qofna.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّكَ إِن تَذَرۡهُمۡ يُضِلُّواْ عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوٓاْ إِلَّا فَاجِرٗا كَفَّارٗا
27. Waayo haddaad kaga tagto, waxay xaqiiq dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
رَّبِّ ٱغۡفِرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيۡتِيَ مُؤۡمِنٗا وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا تَبَارَۢا
28. Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (gar diidka) waxaan aheyn baabba’.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ኑህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት