Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ሙልክ   አንቀፅ:
وَأَسِرُّواْ قَوۡلَكُمۡ أَوِ ٱجۡهَرُواْ بِهِۦٓۖ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
13. Hoos u dhiga hadalkiinna ama kor u qaada. Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَلَا يَعۡلَمُ مَنۡ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ
14. Miyuusan Ogeyn Kan abuuray 'uunkiisa iyo arrimahooda' [3]? Waa Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah.
[3]. Tafsiirka kale waxaa weeye: Miyuusan Alle ogeyn xaalka kuwa uu abuuray?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ ذَلُولٗا فَٱمۡشُواْ فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُواْ مِن رِّزۡقِهِۦۖ وَإِلَيۡهِ ٱلنُّشُورُ
15. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ءَأَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يَخۡسِفَ بِكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ
16. Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo [4].
[4]. Sida dhul gariirka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمۡ أَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ كَيۡفَ نَذِيرِ
17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
18. Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ فَوۡقَهُمۡ صَٰٓفَّٰتٖ وَيَقۡبِضۡنَۚ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحۡمَٰنُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءِۭ بَصِيرٌ
19. Miyeyna arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka. Hubaal, wax walba wuu Arkaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ جُندٞ لَّكُمۡ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ إِنِ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِلَّا فِي غُرُورٍ
20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Alle) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي يَرۡزُقُكُمۡ إِنۡ أَمۡسَكَ رِزۡقَهُۥۚ بَل لَّجُّواْ فِي عُتُوّٖ وَنُفُورٍ
21. Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa? Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَفَمَن يَمۡشِي مُكِبًّا عَلَىٰ وَجۡهِهِۦٓ أَهۡدَىٰٓ أَمَّن يَمۡشِي سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
22. Ma mid socda wejigiisoo foorara baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُمۡ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
23. Dheh: (Alle) waa Kan idin uumay idiinna yeelay maqalka, aragga iyo laabaha. Yaraa intaad (ku) mahdisaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
24. Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
25. Waxay odhan: Waa goorma waqtiga gooddigani la fulin haddaad run sheegi?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
26. Dheh: Alle baa Og (waqtigay tahay), waxaanse ahay anigu dige cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ሙልክ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት