Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አንዓም   አንቀፅ:
۞ وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ ءَازَرَ أَتَتَّخِذُ أَصۡنَامًا ءَالِهَةً إِنِّيٓ أَرَىٰكَ وَقَوۡمَكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
74. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar [4]: Ma waxaad ka yeelataa asnaam ilaahyo? Waxaan kugu arkaa adiga iyo qolodaadaba habow cad.
[4]. Mufasiriinta qaar waxay yidhaahdeen aabbihi ee lagu xusay Aayadda waxaa loola jeedaa adeerki, waayo adeerku waa aabbe oo kale.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَكَذَٰلِكَ نُرِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ مَلَكُوتَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلِيَكُونَ مِنَ ٱلۡمُوقِنِينَ
75. Sidaasaan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا جَنَّ عَلَيۡهِ ٱلَّيۡلُ رَءَا كَوۡكَبٗاۖ قَالَ هَٰذَا رَبِّيۖ فَلَمَّآ أَفَلَ قَالَ لَآ أُحِبُّ ٱلۡأٓفِلِينَ
76. Markuu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا رَءَا ٱلۡقَمَرَ بَازِغٗا قَالَ هَٰذَا رَبِّيۖ فَلَمَّآ أَفَلَ قَالَ لَئِن لَّمۡ يَهۡدِنِي رَبِّي لَأَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلضَّآلِّينَ
77. Markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan ka mid noqon qoloda lunsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا رَءَا ٱلشَّمۡسَ بَازِغَةٗ قَالَ هَٰذَا رَبِّي هَٰذَآ أَكۡبَرُۖ فَلَمَّآ أَفَلَتۡ قَالَ يَٰقَوۡمِ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ
78. Markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markay se dhacday, wuxuu yidhi: Tolkayow! Anigu waxaan barii ka ahay waxaad Alle u shariig yeeshaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنِّي وَجَّهۡتُ وَجۡهِيَ لِلَّذِي فَطَرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ حَنِيفٗاۖ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
79. Anigu waxaan u jeediyey wejigayga anoo toosan xagga (Alle, ee ah) Kan askumay (ahaysiiyey) samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَحَآجَّهُۥ قَوۡمُهُۥۚ قَالَ أَتُحَٰٓجُّوٓنِّي فِي ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنِۚ وَلَآ أَخَافُ مَا تُشۡرِكُونَ بِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَشَآءَ رَبِّي شَيۡـٔٗاۚ وَسِعَ رَبِّي كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمًاۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
80. Waxaa la dooday qolodiisii; wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Alle? isagoo I hanuuniyey; ma ka cabsi qabo waxaad Alle la wadaajisaan cibaadada (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuxuu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi (iyo Awood). Ee ma waydaan waansamayn?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَكَيۡفَ أَخَافُ مَآ أَشۡرَكۡتُمۡ وَلَا تَخَافُونَ أَنَّكُمۡ أَشۡرَكۡتُم بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ عَلَيۡكُمۡ سُلۡطَٰنٗاۚ فَأَيُّ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ أَحَقُّ بِٱلۡأَمۡنِۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
81. Sidee baan uga cabsan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku ka cabsanin inaad la wadaajiseen Alle cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo mudan amni, haddaad ogtihiin?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አንዓም
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት