Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ሐዲድ   አንቀፅ:
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۖ وَهُوَ مَعَكُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
4. Waa Isaga 'Alle' Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba [2]. Alle Wuu Arkaa waxaad fashaan.
[2]. Wuxuu idinkula jiraa Cilmigiisa – isagoo ka kor ah cirarka, ka baxsan oo soocan uunkiisa, sidaas oy tahay wuu idin arkaa oo maqlaa oo awood dhan idinku dul leeyahay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَّهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ
5. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِۚ وَهُوَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
6. Wuxuu Habeenka dhex gashaa maalinta, maalintana dhex gashaa habeenka (macnaha kala badiyaa), wuuna Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ءَامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَأَنفِقُواْ مِمَّا جَعَلَكُم مُّسۡتَخۡلَفِينَ فِيهِۖ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَأَنفَقُواْ لَهُمۡ أَجۡرٞ كَبِيرٞ
7. Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa); kuwaa idinka mid ah ee rumeeya (Alle) oo wax bixiya [3] waxay leeyihiin Abaalgud Weyn (Jamno).
[3]. Wax ku bixiya waxlaayaha raalli geliya Alle.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَا لَكُمۡ لَا تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ لِتُؤۡمِنُواْ بِرَبِّكُمۡ وَقَدۡ أَخَذَ مِيثَٰقَكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
8. Maxaad leedihiin oo aad la rumeyn weydeen Alle, isagoo Rasuulku (Nabi
Muxammad) idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, Isagoo idinka qaaday ballan adag, haddaad tihiin mu’miniin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
هُوَ ٱلَّذِي يُنَزِّلُ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦٓ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ بِكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ
9. Waa Alle Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Hubaal Alle waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَا لَكُمۡ أَلَّا تُنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَا يَسۡتَوِي مِنكُم مَّنۡ أَنفَقَ مِن قَبۡلِ ٱلۡفَتۡحِ وَقَٰتَلَۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَعۡظَمُ دَرَجَةٗ مِّنَ ٱلَّذِينَ أَنفَقُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَقَٰتَلُواْۚ وَكُلّٗا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ
10. Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Alle? Alle baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray (iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Alle wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّن ذَا ٱلَّذِي يُقۡرِضُ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا فَيُضَٰعِفَهُۥ لَهُۥ وَلَهُۥٓ أَجۡرٞ كَرِيمٞ
11. Waa kuma kan amaahinaya Alle amaah wanaagsan [4], markaas uu u labolaabo (ajarka), wuxuuna siin abaalgud wanaagsan (Janno).
[4]. Sadaqo bixin ama deyn siin cid baahan kor saar la'aan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ሐዲድ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት