Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ቃፍ   አንቀፅ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ وَنَعۡلَمُ مَا تُوَسۡوِسُ بِهِۦ نَفۡسُهُۥۖ وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنۡ حَبۡلِ ٱلۡوَرِيدِ
16. Waxaan dhab ahaan abuurnay aadmiga, waana ognahay waxay naftiisu kula hadasho. Waxaana (waa Alle'e oo ku kooba Ogaal iyo Awood ahaan ama malaa’igtiisa) uga dhownahay xididka dhuunta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِذۡ يَتَلَقَّى ٱلۡمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٞ
17.Markay labada qorayaal (malaa’igta wax qoreysa) ku kulmi, iyagoo ka kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix (ee qofka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّا يَلۡفِظُ مِن قَوۡلٍ إِلَّا لَدَيۡهِ رَقِيبٌ عَتِيدٞ
18. Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye (malag) u diyaar ah (inuu qoro).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَآءَتۡ سَكۡرَةُ ٱلۡمَوۡتِ بِٱلۡحَقِّۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنۡهُ تَحِيدُ
19. Waxaa u iman sakaraadka mowdka oo xaq ah: kaasi waa waxaad ka carareysay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡوَعِيدِ
20. Buunkii (Qiyaamana) waa la afuufi - kaasu waa Maalinkii laysu yaboohay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَآءَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّعَهَا سَآئِقٞ وَشَهِيدٞ
21. Naf walbana waxay iman iyadoo uu la socdo (labo malag) mid hoggaaminaya iyo mid ku markhaati furaya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَّقَدۡ كُنتَ فِي غَفۡلَةٖ مِّنۡ هَٰذَا فَكَشَفۡنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ ٱلۡيَوۡمَ حَدِيدٞ
22. (Waxaa la odhan): Waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالَ قَرِينُهُۥ هَٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ
23.(Malaggii) la xidhiidhayna wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَلۡقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٖ
24. (Alle wuxuu odhan) Ku tuura Naar mid kastoo abaal dhac badan, madax adag.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٖ مُّرِيبٍ
25.Khayr diide ah, xadgudbe, shaki qabeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِي جَعَلَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَأَلۡقِيَاهُ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلشَّدِيدِ
26. Ee yeelay la jirka Alle, ilaah kale, oo ku tuura cadaab daran.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ قَالَ قَرِينُهُۥ رَبَّنَا مَآ أَطۡغَيۡتُهُۥ وَلَٰكِن كَانَ فِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٖ
27. (sheydaankii) la xidhiidhay wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, isagaase naf ahaantiisa ku sugnaa habow fog.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ لَا تَخۡتَصِمُواْ لَدَيَّ وَقَدۡ قَدَّمۡتُ إِلَيۡكُم بِٱلۡوَعِيدِ
28. (Alle) wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, waxaana horay idiinku soo diray gooddiga.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَا يُبَدَّلُ ٱلۡقَوۡلُ لَدَيَّ وَمَآ أَنَا۠ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
29. Qowlka iga soo fulaa lama beddelo, mana dulmiyo Addoomaha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَوۡمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ ٱمۡتَلَأۡتِ وَتَقُولُ هَلۡ مِن مَّزِيدٖ
30. Maalinta aan ku odhan Jahannama: Ma buuxsantay? Oo markaa ay dhihi: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ غَيۡرَ بَعِيدٍ
31. Oo Jannada loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٖ
32. Kani waa waxa loo yaboohay qof walboo tawbad keen badan, dhowra (ballanka iyo wax kastoo Alle u dhoweyn).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّنۡ خَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِ وَجَآءَ بِقَلۡبٖ مُّنِيبٍ
33.Kan ka baqa Raxmaanka sir 'iyo caadba' oo la yimaada qalbi tawbad keen badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٖۖ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡخُلُودِ
34. (Waxaa lagu odhan), "Ku gala nabad (Jannada); kaasi waa Maalinka waaridda".
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ فِيهَا وَلَدَيۡنَا مَزِيدٞ
35.Waxay ku leeyihiin 'Jannada' gudaheeda waxay doonaan - waxaana u heynaa weliba wax intaa ka badan [4].
[4]. Waa raalli ahaansho dhan ee xagga Alle ah iyo eegidda Wejigiisa Sharafta Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ቃፍ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት