Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አዝ ዙኽሩፍ   አንቀፅ:
وَلِبُيُوتِهِمۡ أَبۡوَٰبٗا وَسُرُرًا عَلَيۡهَا يَتَّكِـُٔونَ
34. Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro 'sare'ay korkooda ku dangiigsadaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَزُخۡرُفٗاۚ وَإِن كُلُّ ذَٰلِكَ لَمَّا مَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَٱلۡأٓخِرَةُ عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُتَّقِينَ
35. Iyo qurxinno (kaloo) dahab ah. Waxa- kani oo dhammina ma aha waxaan aheyn raaxada nolosha adduunkan (ee dhammaa- neysa). Aakhirada Rabbigaa agti ahna waxaa leh oo keliya dhowrsanayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَن يَعۡشُ عَن ذِكۡرِ ٱلرَّحۡمَٰنِ نُقَيِّضۡ لَهُۥ شَيۡطَٰنٗا فَهُوَ لَهُۥ قَرِينٞ
36. Qofkii ka jeesada xuska Raxmaanka (Qur’aanka) waxaanu u xil saarnaa Shaydaan oo ku lammaansanaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّهُمۡ لَيَصُدُّونَهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُم مُّهۡتَدُونَ
37. Waxay ka duwaanna Jidka (Xaqa), waxayna isu maleyn inay hanuunsan yihiin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَنَا قَالَ يَٰلَيۡتَ بَيۡنِي وَبَيۡنَكَ بُعۡدَ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ فَبِئۡسَ ٱلۡقَرِينُ
38. Jeer markuu noo yimaado wuxuu ku yidhaahdaa (shaydaankaa): wayee, may dhexdeenna ahaato intay isu jiraan bariga iyo galbeedka oo kale; adigaa u xune cid lala xidhiidho.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَن يَنفَعَكُمُ ٱلۡيَوۡمَ إِذ ظَّلَمۡتُمۡ أَنَّكُمۡ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ
39. Wax idiinma tareyso (gaaloy) Maalintan (Qiyaamada) maadaama aad dulmi fasheen inaad cadaabka (musiibada) wadaagtaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَفَأَنتَ تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ أَوۡ تَهۡدِي ٱلۡعُمۡيَ وَمَن كَانَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
40. Ma adigaa wax maqashiin kara (Nabiyow) dhegoolaha, mase hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid ku jira habow cad?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِمَّا نَذۡهَبَنَّ بِكَ فَإِنَّا مِنۡهُم مُّنتَقِمُونَ
41. Haddaan ku oofsanno, Annaga uun baa ka aarsan iyaga (gaalada).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَوۡ نُرِيَنَّكَ ٱلَّذِي وَعَدۡنَٰهُمۡ فَإِنَّا عَلَيۡهِم مُّقۡتَدِرُونَ
42. Ama aan ku tusinno waxaan ugu gooddinno oo cadaab ah, waxaanu ku leennahay dushooda awood buuxda.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱسۡتَمۡسِكۡ بِٱلَّذِيٓ أُوحِيَ إِلَيۡكَۖ إِنَّكَ عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
43. Ee qabso waxaa laguu waxyooday (Qur’aanka), waxaad ku sugan tahay Tub Toosan (Islaamka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّهُۥ لَذِكۡرٞ لَّكَ وَلِقَوۡمِكَۖ وَسَوۡفَ تُسۡـَٔلُونَ
44. (Qur’aankanina) waa kuu waano (sharaf iyo darajo) adiga iyo dadkaaba, waana la idin weydiin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَسۡـَٔلۡ مَنۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ مِن رُّسُلِنَآ أَجَعَلۡنَا مِن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ءَالِهَةٗ يُعۡبَدُونَ
45. Weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay hortaa: Ma waxaan yeellay Raxmaanka (Allaah) ka sokow ilaahyo la caabudo ?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَقَالَ إِنِّي رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
46. Waxaanu dhab ahaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu yidhi: Anigu waxaan ahay Rasuulka Rabbiga uumanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا جَآءَهُم بِـَٔايَٰتِنَآ إِذَا هُم مِّنۡهَا يَضۡحَكُونَ
47. Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise wayba ku qosleen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አዝ ዙኽሩፍ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት