Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አስ ሰጅደህ   አንቀፅ:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلۡمُجۡرِمُونَ نَاكِسُواْ رُءُوسِهِمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ رَبَّنَآ أَبۡصَرۡنَا وَسَمِعۡنَا فَٱرۡجِعۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ
12. Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (Xaqa aan beenineynay) oo maqallay (waxay Rusushu la yimaadeen), ee dib noogu celi (adduunka), waxaanu fali camal san, haatan waanu yaqiinsannaye.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَوۡ شِئۡنَا لَأٓتَيۡنَا كُلَّ نَفۡسٍ هُدَىٰهَا وَلَٰكِنۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ مِنِّي لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
13. Haddaan doonno waxaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, Qawl xaq ah baase horay iiga dhacay inaan ka buuxin Jahannama jinka iyo insiga (igu caasiya) dhammaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَذُوقُواْ بِمَا نَسِيتُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَآ إِنَّا نَسِينَٰكُمۡۖ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
14. Ee dhadhamiya, waayo waxaad illowdeen (dan u geli weydeen) la Kulanka Maalintiinnaan (Qiyaame), Annaguna waanu idin illoowi (oo idiinka tageynaa Naarta), dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii xumaa dartiis.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّمَا يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِهَا خَرُّواْۤ سُجَّدٗاۤ وَسَبَّحُواْ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ۩
15. Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud [4] oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu is kibrinin.
[4]. Waxay u sujuudaan Alle si khushuuc leh. Waxaa sunno ah in lala yimaado sujuud tilaawa halkan hadduu qofku akhriyo ama maqlo Aayaddan oo kale.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمۡ عَنِ ٱلۡمَضَاجِعِ يَدۡعُونَ رَبَّهُمۡ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
16. Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, waxaanu siinnayna wax ka bixiyaan (sadaqeystaan).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَا تَعۡلَمُ نَفۡسٞ مَّآ أُخۡفِيَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعۡيُنٖ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
17. Ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) oo ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxay camal san falayeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَفَمَن كَانَ مُؤۡمِنٗا كَمَن كَانَ فَاسِقٗاۚ لَّا يَسۡتَوُۥنَ
18. Ma mid mu'min ah baa la mid ah mid caasi ah? Ma ay sinna.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلۡمَأۡوَىٰ نُزُلَۢا بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
19. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah (Jannada) waa hoygooda daa’inka ah, marti soor ahaan waxay camal san falayeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فَسَقُواْ فَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ كُلَّمَآ أَرَادُوٓاْ أَن يَخۡرُجُواْ مِنۡهَآ أُعِيدُواْ فِيهَا وَقِيلَ لَهُمۡ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
20. Kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naar, markastoo ay doonaan inay ka soo baxaan waa lagu celin, waxaana lagu odhan: Dhadhamiya cadaabka Naarta aad beenin jirteen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አስ ሰጅደህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት