Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ቀሰስ   አንቀፅ:
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَٱسۡتَوَىٰٓ ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
14. Markuu (Muuse) tabar galay oo buuxsamay (caqli ahaan), Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَدَخَلَ ٱلۡمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفۡلَةٖ مِّنۡ أَهۡلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيۡنِ يَقۡتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِۦ وَهَٰذَا مِنۡ عَدُوِّهِۦۖ فَٱسۡتَغَٰثَهُ ٱلَّذِي مِن شِيعَتِهِۦ عَلَى ٱلَّذِي مِنۡ عَدُوِّهِۦ فَوَكَزَهُۥ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيۡهِۖ قَالَ هَٰذَا مِنۡ عَمَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِۖ إِنَّهُۥ عَدُوّٞ مُّضِلّٞ مُّبِينٞ
15. Wuxuu soo galay magaalada gooray war la' yihiin dadkeedu [6], markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya - midi ka mid yahay qoladiisa [7], kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaasuu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad.
[6]. Waxay aheyd harsiimadii goor Duhur ah ay dadku nasanayeen.
[7]. Muslim - ka mid ahaa ilmahii Israa’iil, kan kalena ee cadowgiisa ah wuxuu ahaa qoladii Fircoon Qibdi Masri ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي فَٱغۡفِرۡ لِي فَغَفَرَ لَهُۥٓۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
16. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ فَلَنۡ أَكُونَ ظَهِيرٗا لِّلۡمُجۡرِمِينَ
17. (Muuse) wuxuu yidhi:Rabbiyow!Waxaad igu galladeysatay darteed (oo denbi dhaaf ah), marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye denbiilayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَصۡبَحَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ خَآئِفٗا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا ٱلَّذِي ٱسۡتَنصَرَهُۥ بِٱلۡأَمۡسِ يَسۡتَصۡرِخُهُۥۚ قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰٓ إِنَّكَ لَغَوِيّٞ مُّبِينٞ
18. Wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, digtoon, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu waxaad tahay baadiyeeye iska cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّآ أَنۡ أَرَادَ أَن يَبۡطِشَ بِٱلَّذِي هُوَ عَدُوّٞ لَّهُمَا قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ أَتُرِيدُ أَن تَقۡتُلَنِي كَمَا قَتَلۡتَ نَفۡسَۢا بِٱلۡأَمۡسِۖ إِن تُرِيدُ إِلَّآ أَن تَكُونَ جَبَّارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلۡمُصۡلِحِينَ
19. Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa, wuxuu yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidaad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto macangag isla weyn arlada, mana dooneysid inaad ka mid ahaato kuwa wax hagaajiya [8].
[8]. Waxaa sidaa yidhi ninkii israa’iiliga ahaa isagoo moodaya inuu Muuse doonayo inuu garaaco isaga.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَآءَ رَجُلٞ مِّنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّ ٱلۡمَلَأَ يَأۡتَمِرُونَ بِكَ لِيَقۡتُلُوكَ فَٱخۡرُجۡ إِنِّي لَكَ مِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ
20. Nin baa ka yimid magaalada xaggeeda shishe isagoo rooraya. Wuxuu yidhi: Muusow! Xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso, waxaan anigu xaqiiq kuu ahay daacade.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَخَرَجَ مِنۡهَا خَآئِفٗا يَتَرَقَّبُۖ قَالَ رَبِّ نَجِّنِي مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
21. Markaasuu (Muuse) ka baxay (magaalada) isagoo cabsanaya, digtoon. Wuxuuna yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi qolodaa daalimiinta (gar diidka) ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ቀሰስ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት