Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አሽ ሹዐራእ   አንቀፅ:
قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali jireen?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ
113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ
115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ
116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ
117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحٗا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ
120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
121. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
125. Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةٗ تَعۡبَثُونَ
128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo [8]? Macno daranaa waxaas aad fashaan.
[8]. Taallo ama wax muujinaya maalka iyo awooddooda. Waxay ka dhisi jireen dhismooyin dhaadheer agagaarka waddooyinka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ
129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ
130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
131. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ
132. Ka cabsada 'Alle ee ah' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٖ وَبَنِينَ
133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
135. Waxaan xaqiiq idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin weyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ
136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አሽ ሹዐራእ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት