Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-ሙዕሚኑን   አንቀፅ:

A-lmu'minuun

قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
1.Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ
2. Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ
3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ
4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ
5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ
6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee [1], xaqiiq laguma eedo taasi;
[1]. Ma aha addoon ama addoonad mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ
7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ
8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
10. Waa kuwaa dhaxlayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡفِرۡدَوۡسَ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws [2] way ku dhex waadhi weligood.
[2]. Al-Firdaws waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن طِينٖ
12. Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ جَعَلۡنَٰهُ نُطۡفَةٗ فِي قَرَارٖ مَّكِينٖ
13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ
14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha [3].
[3]. Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ إِنَّكُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تُبۡعَثُونَ
16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلۡخَلۡقِ غَٰفِلِينَ
17. Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءَۢ بِقَدَرٖ فَأَسۡكَنَّٰهُ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابِۭ بِهِۦ لَقَٰدِرُونَ
18. Waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo (roob) qiyaasan, oo waxaan dejinnay dhulka, waana Karnaa inaan la tagno.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَنشَأۡنَا لَكُم بِهِۦ جَنَّٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ لَّكُمۡ فِيهَا فَوَٰكِهُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
19. Waxaana idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَشَجَرَةٗ تَخۡرُجُ مِن طُورِ سَيۡنَآءَ تَنۢبُتُ بِٱلدُّهۡنِ وَصِبۡغٖ لِّلۡأٓكِلِينَ
20. Iyo geed (zaytuun) ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar kuwa cuna.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَنۡعَٰمِ لَعِبۡرَةٗۖ نُّسۡقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهَا وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
21. Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, waxaana idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, xaggeedaadna wax ka cuntaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ
22. Korkeeda iyo doonyaha korkooda baana la idinku rar qaadaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
23. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, miyeydaan ka cabsaneyn Alle oo iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَقَالَ ٱلۡمَلَؤُاْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيۡكُمۡ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَأَنزَلَ مَلَٰٓئِكَةٗ مَّا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِيٓ ءَابَآئِنَا ٱلۡأَوَّلِينَ
24. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi gaaloobay oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, raba inuu idin ka sare maro, hadduu Alle doono, wuxuu soo dejin lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal arrintan (towxiidka) aabbayaashayadii hore.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلُۢ بِهِۦ جِنَّةٞ فَتَرَبَّصُواْ بِهِۦ حَتَّىٰ حِينٖ
25. Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin jin ku jiro, ee u samra in muddo ah (intuu ka reysto ama dhinto).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ
26. (Nuux) wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِ أَنِ ٱصۡنَعِ ٱلۡفُلۡكَ بِأَعۡيُنِنَا وَوَحۡيِنَا فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ فَٱسۡلُكۡ فِيهَا مِن كُلّٖ زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَأَهۡلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيۡهِ ٱلۡقَوۡلُ مِنۡهُمۡۖ وَلَا تُخَٰطِبۡنِي فِي ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِنَّهُم مُّغۡرَقُونَ
27. Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, markuu Amarkayagu yimaado, oo burqado tinnaarka, ku qaad doonnida noole walba lammaane (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, hana igala hadlin (arrinka) kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), hubaal waa kuwo la harqin doono.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِذَا ٱسۡتَوَيۡتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى ٱلۡفُلۡكِ فَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي نَجَّىٰنَا مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
28. Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقُل رَّبِّ أَنزِلۡنِي مُنزَلٗا مُّبَارَكٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡمُنزِلِينَ
29. Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ وَإِن كُنَّا لَمُبۡتَلِينَ
30. Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay xaqiiq kuwa wax imtixaama.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ
31. Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَرۡسَلۡنَا فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡهُمۡ أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
32. Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul 'Nabi Huud' [4] ka mid ah (oo amraya) Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
[4]. Ee loo diray reer Caad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَتۡرَفۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يَأۡكُلُ مِمَّا تَأۡكُلُونَ مِنۡهُ وَيَشۡرَبُ مِمَّا تَشۡرَبُونَ
33. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisa ee gaaloobay oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَئِنۡ أَطَعۡتُم بَشَرٗا مِّثۡلَكُمۡ إِنَّكُمۡ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ
34. “Haddaad adeecdaanna qof idin la mid ah,idinku markaa xaqiiq waad khasaarteen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَيَعِدُكُمۡ أَنَّكُمۡ إِذَا مِتُّمۡ وَكُنتُمۡ تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَنَّكُم مُّخۡرَجُونَ
35. “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ هَيۡهَاتَ هَيۡهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ
36. Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنۡ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا نَحۡنُ بِمَبۡعُوثِينَ
37. “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا وَمَا نَحۡنُ لَهُۥ بِمُؤۡمِنِينَ
38. “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Alle, mana nihin kuwo rumeyn.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ
39. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda .
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ عَمَّا قَلِيلٖ لَّيُصۡبِحُنَّ نَٰدِمِينَ
40. (Alle) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ بِٱلۡحَقِّ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ غُثَآءٗۚ فَبُعۡدٗا لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
41. Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قُرُونًا ءَاخَرِينَ
42. Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ
43. Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا تَتۡرَاۖ كُلَّ مَا جَآءَ أُمَّةٗ رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُۖ فَأَتۡبَعۡنَا بَعۡضَهُم بَعۡضٗا وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَۚ فَبُعۡدٗا لِّقَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ
44. Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَٰرُونَ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
45. Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga [5] iyo Xujo Cad.
[5]. waa sagaalkii mucjiso ee la siiyey Nabi Muuse.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمًا عَالِينَ
46. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَقَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لِبَشَرَيۡنِ مِثۡلِنَا وَقَوۡمُهُمَا لَنَا عَٰبِدُونَ
47. Waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُواْ مِنَ ٱلۡمُهۡلَكِينَ
48. Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la halaagay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
49. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan [6].
[6]. Ilmahii Israa’iil.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَعَلۡنَا ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَأُمَّهُۥٓ ءَايَةٗ وَءَاوَيۡنَٰهُمَآ إِلَىٰ رَبۡوَةٖ ذَاتِ قَرَارٖ وَمَعِينٖ
50. Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad [7], waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo).
[7]. Waa abuurista Ciise aabbe la'aan, iyo hooyadi oo uurkiisa qaadday iyadoo uu nin taaban.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلرُّسُلُ كُلُواْ مِنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ عَلِيمٞ
51. (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu xaqiiq waxaad faleysaan waan Ogahaye.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱتَّقُونِ
52. Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee iga cabsada (oo ka fogaada shirkiga iyo xumaha kale) .
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ زُبُرٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ
53. Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan [8] ay ku faraxsan yihiin.
[8]. Oo caqiidooyin ah, dhaqammo, caadooyin, iwm.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَذَرۡهُمۡ فِي غَمۡرَتِهِمۡ حَتَّىٰ حِينٍ
54. Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَيَحۡسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِۦ مِن مَّالٖ وَبَنِينَ
55. Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
نُسَارِعُ لَهُمۡ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ بَل لَّا يَشۡعُرُونَ
56. Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? mase dareensana [9].
[9]. In waxyaalaha wanaagsan ee lagu siiyey adduunkan ay keliya yihiin wax lagu imtixaamayo iyaga.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ خَشۡيَةِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ
57. Hubaal Kuway cabsida Rabbigood ku weyn tahay;
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ
58. Ee ah Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan,
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمۡ لَا يُشۡرِكُونَ
59. Oo ah kuwa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada);
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ يُؤۡتُونَ مَآ ءَاتَواْ وَّقُلُوبُهُمۡ وَجِلَةٌ أَنَّهُمۡ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ رَٰجِعُونَ
60. Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto [10] 'inaan laga aqbalin, oo yaqiinsan' inay Rabbigood u soo noqon.
[10]. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. in kuwaa ka baqa taasi ay yihiin kuwa wax xada ama zinaysta ama khamri cabba. Wuxuu yidhi: Ma aha kuwaasi, ee waa kuwa tukada salaadda, sooma oo wax sadaqeysta, haddana ka baqa in aan laga aqbalin.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أُوْلَٰٓئِكَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَهُمۡ لَهَا سَٰبِقُونَ
61. Kuwaasaa u degdega khayraadka, una dheereeya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ وَلَدَيۡنَا كِتَٰبٞ يَنطِقُ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
62. Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
بَلۡ قُلُوبُهُمۡ فِي غَمۡرَةٖ مِّنۡ هَٰذَا وَلَهُمۡ أَعۡمَٰلٞ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمۡ لَهَا عَٰمِلُونَ
63. Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذۡنَا مُتۡرَفِيهِم بِٱلۡعَذَابِ إِذَا هُمۡ يَجۡـَٔرُونَ
64. Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab [11], markaasay calaacalaan.
[11]. Waa ciqaabka Quraysh lagu ciqaabay abaarta iyo gaajada. Waxaa sidoo kale jab iyo hoog ku soo gaaray dagaalkii Badar, iyagoo badi madaxdoodii lagu dilay Badar, qaarna lagu soo qafaashay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَا تَجۡـَٔرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ
65. Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggayaga laydiin kama gargaaro’e.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَدۡ كَانَتۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ تَنكِصُونَ
66. Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (oo Xaq iyo Nabad diid ah).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مُسۡتَكۡبِرِينَ بِهِۦ سَٰمِرٗا تَهۡجُرُونَ
67. Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan [12].
[12]. Qur’aanka ama waxaa loola jeedaa Nabiga s.c.w.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَفَلَمۡ يَدَّبَّرُواْ ٱلۡقَوۡلَ أَمۡ جَآءَهُم مَّا لَمۡ يَأۡتِ ءَابَآءَهُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
68. Miyaanay (gaalada) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمۡ لَمۡ يَعۡرِفُواْ رَسُولَهُمۡ فَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
69. Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمۡ يَقُولُونَ بِهِۦ جِنَّةُۢۚ بَلۡ جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ وَأَكۡثَرُهُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ
70. Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse Xaqa bay neceb yihiin [13].
[13]. Towxiidka, halkii ay fahmi lahaayeen ama garowsan lahaayeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَوِ ٱتَّبَعَ ٱلۡحَقُّ أَهۡوَآءَهُمۡ لَفَسَدَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِذِكۡرِهِمۡ فَهُمۡ عَن ذِكۡرِهِم مُّعۡرِضُونَ
71. Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ خَرۡجٗا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيۡرٞۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
72. Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga Kan u wanaagsan inta risiq bixisa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّكَ لَتَدۡعُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
73. Waxaadna adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ عَنِ ٱلصِّرَٰطِ لَنَٰكِبُونَ
74. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iishaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَلَوۡ رَحِمۡنَٰهُمۡ وَكَشَفۡنَا مَا بِهِم مِّن ضُرّٖ لَّلَجُّواْ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
75. Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ أَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ فَمَا ٱسۡتَكَانُواْ لِرَبِّهِمۡ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ
76. Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
حَتَّىٰٓ إِذَا فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا ذَا عَذَابٖ شَدِيدٍ إِذَا هُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ
77. Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
78. (Alle) waa Kan idiin unkay dhegaha, indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَهُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
79. Waana Isaga Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَهُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَلَهُ ٱخۡتِلَٰفُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
80. Waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (Agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan wax fahmeyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
بَلۡ قَالُواْ مِثۡلَ مَا قَالَ ٱلۡأَوَّلُونَ
81. Waxayse yidhaahdeen wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُوٓاْ أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
82. Waxay yidhaahdeen: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَقَدۡ وُعِدۡنَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا هَٰذَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
83.Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُل لِّمَنِ ٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
84. Dheh: “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
85. Waxay (gaaladu) odhan: "Allaah!” Dheh: Miyaydaan haddaba waansameyn?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلسَّبۡعِ وَرَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ
86. Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn [14]?
[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Xaalka Alle waa ka weyn yahay sidaas, Carshigiisuna waa sidaas, wuxuu ku tilmaamay gacantiisa sida qubbad”.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ
87. Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
88. Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ
89. Waxay odhan: "Allaah". Dheh: “ Xaggee baa haddaba la idiin sixray?”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
90. Waxaanse u keennay Xaq, oo xaqiiq waa beenalayaal.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَا ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ مِن وَلَدٖ وَمَا كَانَ مَعَهُۥ مِنۡ إِلَٰهٍۚ إِذٗا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهِۭ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
91. Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
92. Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ
93. Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
رَبِّ فَلَا تَجۡعَلۡنِي فِي ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
94. Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّا عَلَىٰٓ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمۡ لَقَٰدِرُونَ
95. Annaguna inaan xaqiiqdii ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ ٱلسَّيِّئَةَۚ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَصِفُونَ
96. Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنۡ هَمَزَٰتِ ٱلشَّيَٰطِينِ
97. Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحۡضُرُونِ
98. Waxaana kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ رَبِّ ٱرۡجِعُونِ
99. Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَعَلِّيٓ أَعۡمَلُ صَٰلِحٗا فِيمَا تَرَكۡتُۚ كَلَّآۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَآئِلُهَاۖ وَمِن وَرَآئِهِم بَرۡزَخٌ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
100. Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay [15]. “May, ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh 'xayir [16] aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada).
[15]. Waxaasi aan ka dan iyo muraad la’aaday.
[16]. Barzakh waa xaalka qofka uu ku sugnaan marka uu dhinto ilaa laga soo bixinayo, waana xaal iyo moos xir u dhexeeya adduunka iyo Aakhirada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَلَآ أَنسَابَ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ وَلَا يَتَسَآءَلُونَ
101. Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
102. Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فِي جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ
103. Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaaray nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
تَلۡفَحُ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ وَهُمۡ فِيهَا كَٰلِحُونَ
104. Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran [17].
[17]. Waxay noqon kuwo faruuran ilaa ilkuhu fool xumo muuqdaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَلَمۡ تَكُنۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
105. (Waxaa lagu dhihi): Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan beenin jirin.?”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ رَبَّنَا غَلَبَتۡ عَلَيۡنَا شِقۡوَتُنَا وَكُنَّا قَوۡمٗا ضَآلِّينَ
106. Waxay odhan: “Rabbigayow! Ayaandarradayadii baa naga adkaatay, waxaana aheyn qolo habowsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا مِنۡهَا فَإِنۡ عُدۡنَا فَإِنَّا ظَٰلِمُونَ
107. Rabbigayow! Naga bixi xaggeeda (Naarta); haddaan u noqonno (xumaan fal), innagaa daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ ٱخۡسَـُٔواْ فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ
108. (Alle) Wuxuu odhan: Ku dullooba dhexdeeda (Naarta), hana ila hadlina.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّهُۥ كَانَ فَرِيقٞ مِّنۡ عِبَادِي يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلرَّٰحِمِينَ
109. Waxaa xaqiiq jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbigayow! waan rumaynay (Xaqa) ee noo denbi dhaaf, noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱتَّخَذۡتُمُوهُمۡ سِخۡرِيًّا حَتَّىٰٓ أَنسَوۡكُمۡ ذِكۡرِي وَكُنتُم مِّنۡهُمۡ تَضۡحَكُونَ
110. Waxaadse ka yeelateen jees-jees, ilaa ay idin illowsiiyeen Xusiddeydii, waadna ku qosli jirteen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنِّي جَزَيۡتُهُمُ ٱلۡيَوۡمَ بِمَا صَبَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ
111. Waxaan anigu ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darti inay iyagu yihiin guuleystayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَٰلَ كَمۡ لَبِثۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ عَدَدَ سِنِينَ
112. (Alle) wuxuu odhan: “Immisa sano baad joogteen arlada?”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ لَبِثۡنَا يَوۡمًا أَوۡ بَعۡضَ يَوۡمٖ فَسۡـَٔلِ ٱلۡعَآدِّينَ
113. Waxay odhan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. Weydiiya kuwa wax tiriya (malaa'igta).”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَٰلَ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلٗاۖ لَّوۡ أَنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
114. Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddaad ogaan lahaydeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَفَحَسِبۡتُمۡ أَنَّمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ عَبَثٗا وَأَنَّكُمۡ إِلَيۡنَا لَا تُرۡجَعُونَ
115. Ma waxaad mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggayaga la idiin soo celineyn?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡكَرِيمِ
116. Waxaa Kor ah oo Sarreeya Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَن يَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ لَا بُرۡهَٰنَ لَهُۥ بِهِۦ فَإِنَّمَا حِسَابُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
117. Qofkii barya (caabuda) Alle la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaanaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقُل رَّبِّ ٱغۡفِرۡ وَٱرۡحَمۡ وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلرَّٰحِمِينَ
118. Dheh: Rabbiyow! Denbi dhaaf oo Naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-ሙዕሚኑን
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት