Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል አንቢያ   አንቀፅ:
وَٱلَّتِيٓ أَحۡصَنَتۡ فَرۡجَهَا فَنَفَخۡنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلۡنَٰهَا وَٱبۡنَهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
91. (Xus) tii xafidday jirkeeda (Maryam), oo aan ka afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (ku afuufidda ilmo uurkeeda) Ruuxayaga (Jabriil), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُونِ
92. Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah [31], Oo Anigu 'Alle ah' waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda 'Anigoo keliya'.
[31]. Ummah waxaa loola jeedaa diin :hab nololeed ay jamaaco dhan wada qaataan oo raacaan, ama dhaqan iyo hannaan wanaagsan ay ummadi raacdo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡۖ كُلٌّ إِلَيۡنَا رَٰجِعُونَ
93. Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda [32]. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon.
[32]. Iyagoo noqday dariiqooyin iyo kooxo kala duwan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَا كُفۡرَانَ لِسَعۡيِهِۦ وَإِنَّا لَهُۥ كَٰتِبُونَ
94. Ee qofkii fala camallo wanaagsan isagoo mu’min ah, lama duudsiyo ajarka camalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَحَرَٰمٌ عَلَىٰ قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآ أَنَّهُمۡ لَا يَرۡجِعُونَ
95. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay dib u soo noqoto [33].
[33]. Uma soo laaban karaan adduunkan, mana u tawbad keeni karaan Alle.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
حَتَّىٰٓ إِذَا فُتِحَتۡ يَأۡجُوجُ وَمَأۡجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٖ يَنسِلُونَ
96. Ilaa laga soo furo (moos xirkii) Yuug iyo Yamaayuug, waxayna ka soo dhaadhici taag walba si degdeg ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱقۡتَرَبَ ٱلۡوَعۡدُ ٱلۡحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَٰخِصَةٌ أَبۡصَٰرُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَٰوَيۡلَنَا قَدۡ كُنَّا فِي غَفۡلَةٖ مِّنۡ هَٰذَا بَلۡ كُنَّا ظَٰلِمِينَ
97. Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (ee Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii gaaloobay way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar ma qaatayaal).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمۡ لَهَا وَٰرِدُونَ
98. Hubaal, Idinka iyo waxaad caabud- daan Alle sokadi, waxaad ahaan shidaalka Naarta, xaggeedaad ku arooreysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَوۡ كَانَ هَٰٓؤُلَآءِ ءَالِهَةٗ مَّا وَرَدُوهَاۖ وَكُلّٞ فِيهَا خَٰلِدُونَ
99. Hadday kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen (Naarta), dhammaanna way ku waadhi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَهُمۡ فِيهَا لَا يَسۡمَعُونَ
100. Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ سَبَقَتۡ لَهُم مِّنَّا ٱلۡحُسۡنَىٰٓ أُوْلَٰٓئِكَ عَنۡهَا مُبۡعَدُونَ
101. Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Alle ee kale ee wanaagsan) ay u hor martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል አንቢያ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት