Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ሒጅር   አንቀፅ:

Al-xajar

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانٖ مُّبِينٖ
1. Alif Laam Raa [1].
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).
[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 : Aayadda 1.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ
2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin [2].
[2]. Waxay sidaas jecleysan Maalinta Qiyaamaha ama waqtiga dhimashadooda.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٞ مَّعۡلُومٞ
4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ
5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, kamana dib marto.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونٞ
6. Waxay (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow [3]! Adigu waxaad tahay jinnoole.
[3]. Waxay sidaas gaaladu ugu yidhaahdeen Nabi Muxammad s,c,w, ku digasho iyo jeesjees ahaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذٗا مُّنظَرِينَ
8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq [4] aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku tawbad keenaan) .
[4]. Macnaha waxaan la soo dirnaa fartiin ama sida laga qaadanayo hal dhaca Aayadda cadaabka loogu goodiyey gaalada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
9. Xaqiiq, Annagaa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana xaqiiq ilaalin [5].
[5]. Aayaddan waxay muujineysa meeqaanka Qur’aanka iyo xifdintiisa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ
10. Waxaana dhab ahaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ
13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay [6].
[6]. Hannaaka iyo hab raaca Alle waxaa halkan loola jeedaa halaagidda dadka beeniya Rususha Alle.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ
14. Haddaan uga furno albaab samada oo ay ahaadaan kuwo kor u kora;
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمٞ مَّسۡحُورُونَ
15. Waxay (gaaladu) odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ جَعَلۡنَا فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ
16. Waxaan dhab ahaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَحَفِظۡنَٰهَا مِن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٍ
17. Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّا مَنِ ٱسۡتَرَقَ ٱلسَّمۡعَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ مُّبِينٞ
18. Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَيۡءٖ مَّوۡزُونٖ
19. Dhulka - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسۡتُمۡ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ
20. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin [7].
[7]. Macnaha waxaa weeye Alle wuxuu idiin sakhiray dad iyo duunyo kale uu isagu wax siiyo oo irsaaqo. Macno kale waxaa weeye Alle wuxuu idin siiyaa waxyaalo aad ku noolataan oo sidoo kale siiyaa dhammaan uumanka kale.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٖ مَّعۡلُومٖ
21. Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَرۡسَلۡنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَسۡقَيۡنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمۡ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ
22. Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَنَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
23. Xaqiiq, waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya [8], Annagaana ah dhaxlayaasha [9].
[8]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Hadduu qofka aadmiga ahi dhinto waxaa go’a camalkiisa marka laga reebo seddex arrimood: Sadaqa joogto ah (waqaf), cilmi lagu intifaaco, ama ilmo wanaagsan oo u soo duceeya. (W.w. Muslim).
[9]. Allaah subxaanahu wa tacaalaa baa hara markay uunka oo dhan dhintaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَقۡدِمِينَ مِنكُمۡ وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَـٔۡخِرِينَ
24. Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحۡشُرُهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
25. Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
26. Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلۡجَآنَّ خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ
27. Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya [10].
[10]. Malaa’igtana nuur ifaya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرٗا مِّن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
28. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ
29. Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay [11] ula dhaca sujuud.
[11].Walaxda nolosha iyo nafta uu Alle u abuuray jirkaa, ma aha ruux ilaahnimo ah ama qayb ka mid ah (sida uu yahayba fahanka gurracan ee gaalada).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَسَجَدَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ
30. Markaasay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ
31. Ibliis [12] maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday [13].
[12].Wuxuu ka mid ahaa jinka sida ku soo arooray Suuradda 18: Aayadda 50.
[13]. Sujuudda halkan loolama jeedo cibaado ee waxaa loola jeedaa salaan ka heybeysi iyo qaddarin iyo weyneyn ah adigoo madaxa hoos u soo rogaya. Waana tii Mucaad markuu soo arkay dad sidaa salaan madaxa ula soo roganaya hoos, uu damcay inuu sidaas oo kale u salaamo oo ugu sujuudo Nabi Muxammad s.c.w. waana uu ku diiday, waayo shareecada Nabi Muxammad s.c.w kuma bannaana in qofna loo rukuuco oo madax hoos loogu dhigo, Rukuuca sidaas ah sujuudna waa la yidhaahdaa. Rukuuca iyo sujuudda waa cibaado cidna xaq uma leh aan ahayn Alle subxaanahu watacaalaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ يَٰٓإِبۡلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ
32. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisoow! Maxaa kuugu wacan inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ لَمۡ أَكُن لِّأَسۡجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقۡتَهُۥ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
33. Wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٞ
34. (Alle) wuxuu yidhi: Haddaba Ka bax (Jannada), adigu waa lagu deyrshaye.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ عَلَيۡكَ ٱللَّعۡنَةَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ
35. Waxaana xaqiiq dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta is Abaal marinta 'Qiyaamada'.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
36. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! I sii waqti ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamada).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ
37.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda (ee la sugi).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ
38. Ilaa Maalinta (Qiyaamada) ee waqtiga la yaqaan leh (Alle keliya uu Og yahay).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
39. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidaad ii lumisayba, Waxaan u qurxin denbiyada dhulka korkiisa, waana dhumin iyagoo dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
40. Addoomahaaga ku jira ee daacadda ah mooyee kuu keli iyo gaar yeela cibaadada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ هَٰذَا صِرَٰطٌ عَلَيَّ مُسۡتَقِيمٌ
41. (Alle) wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ عِبَادِي لَيۡسَ لَكَ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ
42. Addoomahayga kuma lihid awood dushooda, kuwa ku raaca ee iyagu lunsan mooyee.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوۡعِدُهُمۡ أَجۡمَعِينَ
43. Oo hubaal waa Jahannama dhabtii madashooda iyagoo dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَهَا سَبۡعَةُ أَبۡوَٰبٖ لِّكُلِّ بَابٖ مِّنۡهُمۡ جُزۡءٞ مَّقۡسُومٌ
44. Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa waxaa ahaan qayb gaar ah oo ka mid ah (ehlu Naarka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
45. Hubaal, kuwa Alle ka dhowrsada (xumaha) waxay dhex ahaan Beero iyo ilo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ءَامِنِينَ
46. (Waxaa lagu odhan): Ku gala (Jannada) nabad idinkoo aamin ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلٍّ إِخۡوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ
47. Waxaanu ka soo siibi wixii xumaan kala tirsi ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَا يَمَسُّهُمۡ فِيهَا نَصَبٞ وَمَا هُم مِّنۡهَا بِمُخۡرَجِينَ
48. Kuma taabanayo gudaheeda daal, xaggeedana lagama soo saarayo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ نَبِّئۡ عِبَادِيٓ أَنِّيٓ أَنَا ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
49. Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (Alle) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَنَّ عَذَابِي هُوَ ٱلۡعَذَابُ ٱلۡأَلِيمُ
50. Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَنَبِّئۡهُمۡ عَن ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ
51. Uga warran martidii Ibraahiim.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ
52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka cabsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ
53. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan. Waxaanu xaqiiq kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ
54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ
55. Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ
56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
57. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwiinaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ
58. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa innaga naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ
59. Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal 'ee la cadaabi' [14].
[14]. Kaalmeynteeda xuma falayaasha darteed.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
61. Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ
62. (Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku dhabtii tihiin qolo aan la garanaynin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ
63.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
64. Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٞ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ
65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, soco gadaashooda, yaanu midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idinku amray.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعٞ مُّصۡبِحِينَ
66. Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ
67. Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan 'martida timid' [15],
[15]. Ku faraxsan warka martida Luud ee yimid magaalada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ
68. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ
69. Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
70. Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka shisheeyaha ah [16]?
[16]. Waxay ku fali jireen xumaha fuulidda ragga ah martidooda, waxayna u handadeen Luud si uusan uga reebin ficilkaa xun ee khaniisnimada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِيٓ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ
71. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii [17], haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).
[17]. Gabdhaha qoonkiisa ee u bannaan inay guursadaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii [18].
[18]. Waxaa caadada Carabta ka mid aheyd inay ku dhaartaan qofka cumrigiisa. Wuxuu halkan Alle ku dhaartay cumriga Nabi Muxammad s.c.w. taasoo muujineysa meeqaankiisa iyo meesha weyn uu Nabigu s.c.w. ka joogo Alle kor ahaaye. Alle wuxuu doono buu ku dhaartaa, dadkuse waa ka xaaraan inay ku dhaartaan waxaan Alle ahayn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُشۡرِقِينَ
73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَجَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن سِجِّيلٍ
74. Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُتَوَسِّمِينَ
75. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٖ مُّقِيمٍ
76. Waxayna ku taal 'magaaladaasi' [19] waddo weli la deggan yahay.
[19]. Magaalada Sodom ee u dhow badda meytan ee hadda loo yaqaan Al-Baxrul Mutawasid ama Mideterean.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
77. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo mu’miniinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِن كَانَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ لَظَٰلِمِينَ
78. Dadkii degganaa hawdka [20] waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).
[20]. Dadka Aykah ama reer hawdka ama keynta waa qoonkii Shuacyb. Aykah waxay ahayd meel u dhow Madyan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٖ مُّبِينٖ
79. Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba [21] ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.
[21]. Waxaa loola jeedaa magaalooyinka qoonkii Luud iyo Shucayb (Jetro).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡحِجۡرِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
80. Dadkii degganaana dhadhaabka [22] 'ee reer Thamuud' waxay beeniyeen Rususha.
[22]. Dhulkii dhagaxa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَءَاتَيۡنَٰهُمۡ ءَايَٰتِنَا فَكَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
81. Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَكَانُواْ يَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ
82. Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُصۡبِحِينَ
83. Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
84. Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞۖ فَٱصۡفَحِ ٱلصَّفۡحَ ٱلۡجَمِيلَ
85. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaal Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ
86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ سَبۡعٗا مِّنَ ٱلۡمَثَانِي وَٱلۡقُرۡءَانَ ٱلۡعَظِيمَ
87. Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
88. Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga mu’miniinta (u muuji naxariis).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقُلۡ إِنِّيٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلۡمُبِينُ
89. Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَى ٱلۡمُقۡتَسِمِينَ
90. Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii 'Yuhuudda iyo Nasaarada' [23].
[23]. Tafsiir kale waa sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday ka hortagga xaqa iyo diiddadi oo loola jeedo mushrikiintii Carbeed.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ
91.Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo [24].
[24]. Iyagoo qaadanaya Kitaabka qaarki, beeninayana qaar kale iyagoo raacaya hawadooda.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
93. Waxay falayeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray [25], oo iskaga jeeso Mushrikiinta [26].
[25]. Waa ugu yeedhidda dadka Towxiidka iyo ka digitaanka shirkiga si loo kala saaro mu’miniinta iyo gaalada.
[26]. Mid kastoo ku adkeysta shirkiga oo ah in lala wadaajiyo cibaadada Alle cid kale.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ
95. Annagaa xaqiiq kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ
97. Waxaana dhab ahaan ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ
98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda [27].
[27]. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan ku garan jirey bogidda salaadda faralka kor ugu qaadista codka Xusidda Alle sida takbiirta.
(W.w. Al-Bukhaari)
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ
99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowtka- Geerida).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል ሒጅር
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት