Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Verse: (36) Surah: An-Nisā’
۞ وَٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗا وَبِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱلۡجَارِ ذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡجَارِ ٱلۡجُنُبِ وَٱلصَّاحِبِ بِٱلۡجَنۢبِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخۡتَالٗا فَخُورًا
36. Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah [29], saaxiibka ku dhinac jooga, tub ku joogga (socotada go’doonsan) [30], iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.
[29]. Sokeeyaha iyo shisheeyaha, waxaa lagu fasiray meesha iyo qaraabannimada, waxaana jira culimo ku fasirtay qofka muslimka ah iyo qofka aan muslimka ahayn. Saaxiibka dhinacana waxaa la yidhi waa saaxiibka aad xiriirka wadaagtaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray xaaska.
[30]. Ibnu Sabiil, tub ku joogga, waa socotada aan safar u soo galin macsi darteed uu ka go’ay jiscinkii, waxaa soo galaya u axsaan falka iyo daryeelka ilmaha aan la garanayn aabbayaashood ee dib jirka ah, qaxootiga, ajaanibta iyo soo galootiga aan degaanka u dhalan ee dhoofka ku yimid ee dadka qalaad ah.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Verse: (36) Surah: An-Nisā’
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close